Buurnida Iyo Dhuubnida Badaniba Waxa Ay Halis Ku Yihiin Dhalmada Dumarka

0
1088

London (Geeska)- Daraasad caafimaad oo cusub ayaa ka digtay in baruurta ama miisaanka badani uu qiyaas kala badh ah yareeyo rajada Dhalmo ee gabadha. Sida ay sheegtay khubarada samaysay cilmi baadhistani, celceliska rajada laga qabo in gabadha buurani ay uur qaaddaa waxa ay kala badh ka yar tahay inta laga qabo gabadha da’ ahaan iyo caafimaad ahaan la midka ah ee miisaankeedu dabiiciga yahay.

Cilmibaadhistan oo khubarada samaysay ay ka tirsan yihiiin Jaamacad uu leeyahay cisbitaalka wayn ee Queen Elizabeth oo ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa muujisay in 60% (Boqolkiiba Lixdan) Dumarka Miisaankoodu uu caadiga yahay marka loo eego kuwa aadka u buuran ay ka rajo badan yihiin saadaal ahaan xaga Uurka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in dumarka aadka u dhuuban qudhoodana ay yartahay rajadooda dhalmo. Khubaradani waxa ay nuxurka daraasaddooda ku soo ururiyeen in Miisaanka badan ama dhuubnida badani ay khalkhaliyaan Dheecaannada (Hormoonno) dhalmada iyo Dhiiga caadada isla markaana ay daciifiyaan awoodda ugxaanta ee dumarka taas oo la’aanteed aanu suurto galayn Uurku.