Mujaahid Xasan Guure Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inaanu Ka Aamusin Boobka Hantida Qaranka, Si Adagna U Dhaliilay Hantidhawrka Guud

0
808

Picture8Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa waxa uu amaan balaadhan uu u soo jeediyey Guddida Ilaalina Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, waxaanu ku amaanay daba-galka iyo baadhitaanka ay ku hayaan Wasaaraddaha iyo Haya’ddaha Xukuumadda ee kala duwan.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika, u waramay, wuxuu  Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in aanu ka aamusin Hantida Qaranka ee la lunsanayo.

Guddoomiyaha Madasha ayaa sidoo kale Guddida ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada ugu baaqaya inay aanay shaqadooda cidna u daba fadhiisan, “Guddida ilaalinta iyo Hantida Qaranka aad iyo aad ayaan ugu amaanayaa sida wacan ee ay u gudunayaan waajibkooda shaqo iyo sida ay u baadhayaan, baadhitaanka iyo daba-galkana ugu hayaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dawladda, iyo sida ay u soo saraan musuqmaasuqa iyo hantida Qaranka ee la lunsaday,walibana iyaga oo aan ku eekayn Caasimadda ee Gobolada dalka oo dhan, baadhitaanka ku wada, waxaana leeyahay waa Guddida qudha ee ilaa hadda la odhan karo sida ugu wacan, uguna daacadsan ayey xilkoodii uga soo baxeen, waxaana kula talinaya inay hawlaha iyo baadhitaanka halkaas ka sii wadaan, oo cidna aanay u joojin, waxaana sidoo kale Guddiyada kale ee Golaha Wakiilada iyana aan ugu baaqaya inay sidan oo kale iyana waajibkooda u gutaan, oo cidna aanay ka baqin, waxaana la odhan karaa tan iyo intii uu Golaha Wakiiladu jiray waa markii ugu horeeysay ee Golaha Wakiiladu sidi ugu wacan u shaqeeyey, xilkiisana u gutay”.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Guddida ilaalinta Hanitda Qaranka, wixii ay halaan ee musuqa-maasuqa waa inay Umadda u soo bandhigaan, oo aanay cidna ka abaashan, haddii kale anaga ha noo sheegaan oo farta ha noogu fiiqaan cidii Hantida Umadda lunsatay anaga ayaan ka aamusayn oo meel walba ka sheegaynaa cidii Tuugnimo ku xaday Hantida Qaranka, wakhti aan aad u yaraa ayaa waxaan arkay Nin tuug ah oo baadhanaya Nin kale, waan sheegay, Ninkii tuuga ahaa ayaa laad qaadoo  si xun iigu dhuftay, waxa taas ka dhigan in Guddidan lagu yidhi Berbera ma soo gali kartaan, iyada oo laga baqayo in Hantida la lunsaday ee Qaranka”.

Xasan Guure Jaamac mar uu ka jawaabayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Hanti dhawraha guud ee Qaranka waxa uu yidhi “Hanti dhawraha guud ee Qaranku waxa uu masuul ka yahay ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka, oo halkii uu ka dabagali lahaa baadhitaana ku sameeyn lahaa Musuq-maasuqa iyo hantida Qaranka ee la lunsaday ayuu difaacay Xukuumaddiina isna Is difaacay, waxaanu sheegay in aan waxa hantiya oo la lunsaday aanay jirin, dadku ma maalig baa, Hanti la musuqay oo la lunsaday walibana Xukuumaddu lunstay wey jirtaa, oo waa kuwaas Guddida ilaalinta Qaranka ee Golaha Wakiiladu sheegay, balse waxa ayaan daro ah in Wadaadkan Hanti dhawruhu uu ka baqayo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, oo waxa dhab ah in haddii uu is yidhaahdo xilkaaga si daacadnimo ku dheehan tahay u gudo inuu ka baqayo in la eriyo, oo waxa uu raali ka yahay in Hantida Qaranka la lunsado, waxa kale oo ayaan daro ah in Madaxweynuhu ka aamuso waxna ka qaban waayo Musuqan iyo Hantida Qaranka ee la lunsanayo, waana inuu wax ka qabtaa.” Xasan Guure Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa wax aad loola yaabo ah in si deg deg ah loo ansixiyo Misaaniyad sannadeedka ay Wasaaradda Maaliyaddu ay Golaha Wakiilada u soo gudbisay iyada oo aan si wanaagsan looga doodin, balse markii Golaha Wakiilada Musharka loo kordhiyey ayey iyana is dhaafiyeen oo ay ansixiyeen, inay baadhitaan badan ku sameeyaan ayey ahayd.”