Buuraha Tigrey Iyo Alps Ee Itoobiya Iyo Jarmalku Waxa Ay Ka Mid Yihiin Buuraha Ugu Quruxda Badan Adduunka

0
699

Buuraha oo inta badan qurux iyo cimilo wanaagsan lagu majeerto, marar badanna ah meelaha ay ku badbaadaan noocyo badan oo dhirta looga cabsi qabo in ay isir go’aan. Qormadan oo aynu ka soo qaadannay barnaamijka ‘Almusaafir’ ee talefishanka Aljazeera oo baxay 24-kii Oktoobar, waxa uu barnaamij soo saaruhu booqday laba ka mid ah buuraha ugu quruxda badan uguna la yaabka badan adduunka oo dhan. Waa buuraha Tigree oo sida magacaba ka muuqata ku yaalla gobalka Tigreey ee dalka Itoobiya iyo Alps oo ku yaalla Jarmalka, sida oo kale waxaa la mid ah buuraha Andes oo ku yaalla dalka Argentine.

Haddaba waxa aynu gaar u soo qaadanaynaa buuraha Tigree oo ee waxa ay dhacaan badhtamaha lama degaanka Itoobiya, waa muuqaal dabiici ah oo aad u qurux badan. Figta u sarraysa ee buurtan waxaa ku yaalla dhisme kaniisadeed oo lagu tilmaamo kaniisadda gaadhitaankeedu ugu dhib badan yahay kaniisadaha adduunka. Qofka Kiristaanka ah ee doonaya in uu tago, gaadhisteedu waxa ay uga baahan tahay in uu marka hore fuulo buurtan oo ah buur qarfe ah oo fanashadeedu aad u dhib badan tahay. Marka uu koro haddana waxaa ay noqonaysaa in uu masaafad dheer dul lugeeyo buurtan isaga oo weliba sida waajiba diiniga ahi dhigayo laga rabo in uu kabo la’aan lugeeyo.

Kaniisaddan waxaa boqollaal sano ka hor dhisay baaderiyo ka yimi dhulka Shaam ee bariga dhexe, waxaa la sheegaa in sababta ay kaniisaddan uga dhiseen figtan aadka u dheer ay tahay iyaga oo aaminsanaa in maadaama oo ay tahay meel samada uga dhow dhulka hoose oo dhan, in ay u dhowdahay in ay naftu ku xasilayso, cibaadada qalbigeeda oo soo jeeda deggenaanshiyo ku gudan karto.