Sababaha Keena Baraha Madow Ee Maqaarka Ku Samaysma Iyo Guud Ahaan Dhibaatooyinka Caafimaad (2)

0
544

Waa qaybta labaad ee warbixin ay Shabakadda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee FBR oo laga leeyahay dalka Ruushka ay haweenayda lagu magacaabo Olga Simchenko kaga warramayso sababaha ugu badan ee keena baraha madow ee wejiga lagu arko:

Isticmaalka dhidid tirtiraha

Dadka qaar ayaa madow ku yeesha kilankillooyinka iyo hareerahooda, sababtuna waa xiirista timaha ka soo bala labada kilinkillo iyo isticmaalka maaddooyinka lagu kaxeeyo urta kilinkillada ee leh alkahoosha / Isbiirtada. Baadhiso caafimaad oo arrintan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in waxyaabaha asaasiyadda ugu badan keena ay ka mid yihiin kiriimada iyo maaddooyinka ‘Mariska’ ah ee kilinkillada la mariyo si urta aan fiicnayn loo tirtiro ama dhididka loo joojiyaa.

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ka digaan in xiirista timaha kilinkillada ka hor ama kaddib wax kiriim ama walax kale ah la mariyo, gaar ahaan haddii ay ku jirto maaddooyin alkahool ahi.

Ku maydhashada biyaha

Dad badan ayaa ku raaxaysta in ay ku maydhaan biyo diirran, gaar ahaan xilliga qaboobaha jiilaalku jiraan. Dhakhaatiirta caafimaadka maqaarku waxa ay sheegeen in heerkulka sarreeyaa uu dhaawac gaadhsiin karo maqaarka, isla markaana uu keeno engag maqaarka ku dhaca, cuncun, olol ama gubasho iyo boogo ku samaysma maqaarka.

Waxaa fiican in lagu maydho biyo aan qabow iyo kulayl midna ahayn oo dabiici ah. Maydhashada kaddibna waxa uu maqaarku u baahan yahay in la engajiyo, iyada oo la iska ilaalinayo in tuwaalka la isku xoqo, kaddibna waa in la dhaashadaa jidhka oo dhan.

Isticmaalka cadarrada

Marka la Isticmaalka cadarrada leh alkahoosha iyo maaddooyinka kale ee kiimikada ah in qorraxdu ay jidhka ku dhacdaa waxa ay khatar ku tahay caafimaadka maqaarka.

Waxa ay khubaradu sheegeen in dhibaatada ay arrintani leedahay ay tahay mid aan dhaqso u soo bixin, balse muddo dheer kaddib uu qofku isku arko raadadka caafimaad darro ee ka dhasha in cadceeddu ay ku dhacdo maqaarka oo leh cadar, ama maqaarka oo cadar leh oo uu qofku ku dhidido, ama xitaa maqaarka oo cadar leh in ay dabayshu ku dhacdo ama huurka cimilada.

Sidaas awgeed iska jir in aad maqaarka mariso cadarrada leh alkahoosha ama kiimikada badan, haddii aad marsatana ka feejignoow in qorraxdu kugu dhacdo, ama xtaa huurka, dhididka iyo dabayshu in ay maqaarka toos ugu dhacaan.