“Siyaasiyiinta Reer Somaliland Waa Ka Mamnuuc Inay U Hanqal Taagan Soomaaliya..”

0
445

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, oo ka mid ah Mudaneyaasha  Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Siyaasiinta ka soo jeeda Somaliland ee ay ka midka yihiin Faysal Cali Waraabe iyo Qabo ee ka hadlay Kuraasta Beelaha Dir kaga maqan Soomaaliya, waxaanu xusay in haba yaraate Somaliland aanay wax kuraas baarlaam oo kaga maqan Soomaaliya aanay jirin, cid kasta oo arintan ka hadashayna ay dambi qaran gashay.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa sidoo kale ka hadlay fadliga, wanaagga iyo khayrka uu leeyahay Nebi Muxamed (N.N.K.H), waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waa dambi qaranka laga galay haddii ay u jeedaan 75 xildhibaan ayaanu ku leenahay haddii aanu nahay Somalilander, afkaasina waa af dilaal, nimanka reer Somaliland ee qaranimada ilaalin waayeyna waa niman quustay, afka siyaasiyiinta reer Somaliland waa ka mamnuuc inay u hanqal taagan Soomaaliya, yidhaahdaana kuraas baa nagaga maqan, markaas qaranimada Somaliland ayaan meel lagaga dhicin, oo Siyaasiyiinta ha is ilaaliyaan”

Mar uu ka hadlaayey fadliga iyo wanaagga Nebiga ayaa wuxuu yidhi “Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate, waa Nabigii ugu dambeeyey ambiyada, ILLAAHAYNA wuxuu u soo diray jin iyo insi wixii adduunka korkiisa joogaba, fadligiisana waxaa ka mid ah in isaga oo aan waxba akhriyi jirin, waxna qori jirin inuu haddana ALLE u soo dhiibay kitaabta Quranka, gaaladuna Nebiga oo nool ayey la dagaalamaysay, ilaa haddana dagaalkii ayey waddaa, laakiin Nebigu wuxuu leeyahay tol, waxaana u tol ah inagoo ah umaddiisa, gaar ahaana ah Muslimiin, mar walbana waxaa inagu waajib ah inaynu u hiilino”

 

Geeska.net/Hargeisa Office