Burco: .Dadweyne Cabasho La Hortagay Xarunta Maamulka

0
582

burcoBurco(Geeska)-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco ee ku dhaqan gobolka Togdheer  ayaa cabasho la hortagay shalayto axadii  xarunta maamulka gobolka Togdheer ee Burco ,halkaasi oo ay Wargeyska Geeska Afrika cabashadooda ugu soo bandhigeen .

 Cabashadda madaxdhaqameedkan  ayaa sida ay sheegeen  la xidhiidhay Marxuum  beeshan ka tirsan oo dhawaan  lagu dilay Tuuladda Qoryaale ee gobolkaasi ,kaasi oo masuuliyiinta Dawladda ee g Togdheer waxba ka qabanwaayeen danbiilayaashii falkan gaystay oo ku sugan gobolka Togdheer sida ay hadalka u dhigeen. “Waxaanu  ka cabanaynaa Inankaygii waa la dilay oo Qoryaale ayaa lagu dilay bishii Lixaad shanteedii 5\6\2012 ,waxaana dilay sedex nin oo bilays ah isagoo caruur yar yar oo toban ah biyo u dhaaminaayay .waxaanan kuu cadaynayaa in dulmi lagu dilay iyadoon haba yaraatee wax alaale wax lagu leeyahay aaney jirin ,masuuliyiinta Dawladda ee ay hormuudka u yihiin Badhasaabka ,Maayirka ,Taliyaha booliska , arinkan waanu ula nimi waxna way ka qabanwaayeen ,sedexdii nina dilkaasi gaystayna labana Qoryaale ayay joogaan midna taliyaha booliska gobolka ayuu bodhi-gaadh u yahay  markaa  Xukuumadda sare waxaanu leenahay arinkaas wax halaga qabto ninmankii falkaasi gaystayna hana loo soo qabto “ Sisaasi ayuu yidhi maxamuud Cawil Nuur oo ah  Aaabaha wiilkan dhalay la dilay oo Geeska afrika u waramay .

 Sidoo kale Cabdiraxmaan Aadan Jaamac oo  isna faahfaahin ka bixiyay dilka marxuumkan ayaa sheegay in uu ka danbeeyay amarka lagu dilay maayirka Degmadda Qoryaale waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “ Waxa weeye Ninkaa dhintay ee Qoryaale lagu dilay waxa la dilay bishii Lixaad Shanteedii , sidaa awgeed  markii hore guri ayaa la gubay Qoryaale ku yaala ,markii la gubay ee habeenimadii la gubay gurigaasi ayaa waxa diray askarta maayirka Qoryaale ,taliyaha booliska degmaduna waxa uu ku soo maqnaa Burco waxaanu nagu yidhi anigu amarka askartaasi ma bixin ,waxaana amarka bixiyay maayirka Qoryaale ,waxaanu yidhi askartii ninka halkaas degen ee biyahaas ka dhaansanaaya soo qabta ,dabadeed-na askartii way tageen rasaas-baaney ku fureen ninkii waanay dileen markaa waxaanu usoo jeedinaynaa  Dawladda iyo hay’adaha  xuquuqda binaadantinimada ka shaqeeya cadaalad daradaa ka dhacday gobolka Togdheer  ragii gaystayna aan maxkamad la horkeenin cidina aan loo xidhin in si deg deg ah wax looga qabto intaanu horseedin  falal nabadgelyo xumo  .

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Ibraahim Cabdi Cartan oo sheegay falka noocan oo kale ahi in aan gobolka Togdheer waligeed lagu arkin isla markaana ,tani noqotay arin ugub ah .” Ceebtaasi weyn ee dhacday waligeed maananu arag ,wax naga dhagaysanaayana waanu waynay   ,oo arintan hoos u eega ,saaka markaanu u nimi nimankii gobolkana way islaayeen oo rabshad ayaa ka dhex dhacday xaruntii gobolka looga talinaayayna iyadoo aanu horjoogno dadkii kale ee hawluhu kaga xidhaanaayeena hortubanyihiin ayuu nin  iska xidhay sidii guri nin leeyahay  . gobolkan kamay dhicin ,waxnaga dhagaysanaayana waanu way maanu arag waxan oo kale iyo  wax ka sheekaynaaya ,xiitaa waa nala dhagaysan waayay

 Geesta kale badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidh-no si aanu cabashadan ka dhalatay falkan dilka ah gobolka ka dhacay wax uga waydiino ayay noo suurtoobi wayday.