Ururka Kanava Oo Magaalada Hargaysa Kaga Dhawaaqay Qayb Cusb oo Ururkaas Kamid Ah

0
504

Picture2Hargaysa( Geeska )- Ururka dhalinyarada ee KANAVA ayaa xaflad u qabtay qayb cusub oo ururkaas kamid ah, iskuna xidhi doonta ururka oo fadhigiisu yahay wadanka Finland iyo caasimada Hargaysa ee Somaliland.

Ururkan oo ah mid dhalinyaro ayaa ka hawlgala arimaha horumarinta Somaliland, sida ay xaflkadaas kaga warameen xubno dhalinyaro ah oo ururkaas ka socday, waxaana dhalinayradan furitaanka Ururka kala qabgalay wasiirka wasaarada kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire oo dhalinyaradaas ku hanbalyeeyay da’adaalka ay ugu jiraan inay dalkooda wax taraan, islamarkaasna horumarkiisa ka shaqeeyaan.

Ururkan dhalinayrada ah ee KANAVA ayaa qaybtan cusub ee uu  Somaliland ka furay ugu talogalay inay ka caawiso isku xidhaka ururka oo fadhigiisu yahay Finland iyo Somaliland oo ay doonayaan inay horumarkiisa ka shaqeeyaan.