Midowga Afrika Oo Haweenay U Doortay Hoggaanka Iyo Qodaxda Ay Doorashadu Reebtay

0
486

hoganMidowga Afrika ayaa u doortey Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatey dalka Koonfuur Afrika inay noqoto madaxa cusub ee ururka, waana haweeneydii ugu horeysey ee xilkaasi qabata.

Ms Dlamini-Zuma waxay ka adkaatey ninka haatan xilkaasi haya, Jean Ping, oo u dhashey dalka Gabon, markii uu dhexmarey tartan aad u adag, aadna la isugu dhowaa ee xilka guddoomiyenimada guddiga fulinta ee ururka.

Bishii January, labada musharax midkoodna ma helin tirada codadkii loo baahnaa oo ah saddex meelood laba, taasina waxay fursad u siisey Mr Ping inuu xafiiska sii hayo lix bilood oo dheeri ah.

Muranka ka dhashey doorashada ayaa hadheeyey ariimo kale oo muhiim ah oo ururka uu shir madaxeedkiisa kaga doodi lahaa, sida amaanka iyo ganacsiga.

Codeynta ayaa si weyn loogu kala qeybsamey dhanka luuqadaha ay dalalka ku hadlaan, iyadoo dalalka afka Ingiriisiga ku hadlaa ay taageerayeen Ms Dlamini-Zuma, halka kuwa Afka Faransiiska ku hadlaa ay ka taageerayeen Mr Ping.

Saraakiil sare oo ka tirsan ururka ayaa hore uga digey in hadii lagu guuldareysto in la xaliyo is mari waaga dhanka hoggaanka ururka ay kala qeybin karto AU, isla markaan dhaawici karto sharafta iyo kalsoonida lagu qabi karo.

Taariikh kooban Ms Zuma

Ms Dlamini-Zuma, waa xaaskii hore uu u qabi jirey Madaxweynaha Koonfuur Afrika, Jacob Zuma.

Waa 63 jir, waxayna haatan haysaa xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfuur Afrika, iyadoo muddo dheer ka tirsaneyd golaha wasiirada, wasaaradihii ay hore u soo qabateyna ay ka mid yihiin caafimaadka iyo arrimaha dibedda.

Laakiin dadka dhaleeceeya waxay sheegeen in musharaxnimadeeda uu jebiyey dhaqankii hore u jirey ee ahaa in xilka ugu sareeya ururka aanu qaban qof ka soo jeeda dalalka waaweyn ee Africa.

Waxa ay qaban doonto

MS Dlamini Zuma, waxay sheegtey inay muhimad gaar ah siin doonto in isbedelo lagu sameeyo ururka. Waxay dooneysaa in AU ay door muuqda oo wax ku ool ah ku yeelato wax ka qabashada colaadaha qaaradda iyo in sare loo qaado ganacsiga. Laakiin khubarada arrimaha Afrika odorosa waxay sheegayaan in muranka ka dhashay doorashadeeda uu kala qeybiyey qaaradda, isla markaana ay soo wajihi karto hawl culus oo ah inay isku soo dhoweyso kuwa ka soo horjeeda, si ay uga guul gaadho ajendaha ay wadato.