Bunku Waxa Uu Ka Mid Noqonayaa Cabbitaannada Qaaliga Ah Ee Ay Maalqabeenka Oo Keliyi Iibsan Karaan

0
701

London (Geeska)- Bunku oo ka mid ah cabbitaannada loo cuno quudinta maskaxdu waxa uu ka mid yahay cabbitaannada dunida loogu isticmaalka badan yahay. In kasta oo uu geedka bunku isir ahaan ka soo jeedo qaaradda Afrika, gaar ahaan dalka Itoobiya oo ah halkii ugu horreysay ee lagu arkay, taariikhaha qaarna sheegayaan in magaca Coffee qudhiisu ka soo jeedo, waxa aanu bilowgii uga sii gudbay dhinaca dalalka, Carabta oo la sheego in Yemen ay ahayd halkii ugu horreysay dunida ee bunka looga isticmaalay qaabka shaaha ee hadda dunida oo dhami u karsato, waxa kale oo uu geedka bunku u gudbay, Koofnurta Ameerika, Koonfurta Bari ee Eeshiya iyo Hindiya, maanta waxaa lagu beeraa dunida oo dhan, 70 dal ayaana si rasmi ah dibadda ugu dhoofiya bunka oo dhulkooda ka baxa.

Bunka siyaabo badan ayaa loo diyaariyaa cabiistiisa; bilowgii waa la karin jiray, muddooyinkii dambana waxaa ku soo biiray hab cusub oo ah in sida barafka loo fadhiisiyo, iyo in lagu daro cabbitaannada diyaarsan ee aan samaynta dambe u baahnayn.

Si kastaba ha ahaato ee hadda waxaa soo baxaya macluumaad iftiiminaya in cabbitaankani uu dunida ka dabar go’i doono qarnigan aynu ku jirno gudihiisa. Saynisyahanno Ingiriis ah oo baadhitaanno ku sameeyey ayaana sheegaya in gebi ahaanba geedka laga jaro midhaha bunka ee loo yaqaanno Cocoa (Kokoow) ga  loo yaqaannaa uu dunida ka dabargo’i doono, taas oo ay sababteedu tahay isbedellada cimilada ee dunida ku soo kordhay oo sannadaha foodda innagu soo haya waxweyn ka beddeli doona wax-soo-saarka dhulka. Saynisyahannada ayaa sheegaya in hirar kulayl ah oo dhulka ku dhacaya oo ka dhalanaya kor u kaca Karboon Laba Ogsaydhka (Carbon dioxide) ay saamayn taban ku yeelanayaan wax-soo-saarka dhuka iyo nolosha dhirta.

Marka bunka aynu u soo noqonno isbeddelkan cimilada adduunnku waxa uu sababi doonaa ayaa ay sheegayaan Saynisyahannadu in bunku dunida ku yaraado. Taas oo la saadaalinayo in qiimihiisu uu gaadho heer ay dadka maalqabeenka aadka ah oo keliyi goyn karaan.

Daraasad kale oo lagu sameeyey dalka Ustareeliya ayaa sii xaddiday waqtiga laga yaabo in bunka laga waayo dunida oo sheegtay in sannadka 2080ka uu inta badan ee dalalka uu ka baxo ka dabar go’i doono geedka bunka.