Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalada Bari Oo Banaanka Soo Dhigay Baratan U Dhexeeya Muuse Biixi Iyo Cabdicasiis Samaale Iyo Sawirada Is Macnaynaya

0
559

 

u_47839d_2011-10-12-6-53-3f_IMG_9176Hargeysa(Geeska)-Socdaalkii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku tagay gobalada bari ee dalka, ayaa inkastoo uu markii horeba guuxu jiray haddana banaanka soo dhigay  baratan siyaasadeed oo u dhexeeya laba masuul oo ka wada tirsan xisbiga KULMIYE oo uu damac hoggaamiyenimo ku jiro.

 

Labadaas siyaasi ayaa kala ah Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guddomiye xigeenka golaha wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana intii lagu gudo jiray safarkaas la dareemay inuu labadoodaba ku jiro han ay ku doonayaan inuu mid waliba  noqdo murashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.

Bishii August ee sannadkii 2010 ee hore, ayuu guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Md. Samaale si cad u sheegay inuu ku jiro hami Madaxweyne, inkastoo uu xilligaas tilmaamay inaan wakhtigeedii la gaadhin iyadoo markaas uun laba bilood laga joogay doorashadii madaxtooyada

“Waan qeexayaa inaan han iyo damac siyaasadeed leeyahay oo ah halkan aan taaganahay iyo meel ka sii saraysaba ilaa Madaxweynaha dalka inaan isku taago laakiin wakhtigeedii maaha maanta oo lama joogo.” Ayuu yidhi Samaale oo warbaahinta la hadlay.

Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna inkastoo aanu si cad u sheegin inuu Madaxweyne u tartami doono haddana waxa ka muuqda hankeeda iyo weliba u diyaar garowgeedii, waxaanu damacaas Muuse Biixi soo ifbaxay markii lagu wareejiyay hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo laftiisa ayay dad badani u arkayeen mid aan ka dheerayn danaha xisiga KULMIYE, isagoo dadweynaha reer Ceerigaabo iyo kuwa Burco labadaba uga mahadceliyay taageeradii ay xilligii ololaha la garab istaageen xisbiga KULMIYE.

Waxaanay dadka siyaasadda rogrogaa sheegayaan in safarka Madaxweynuhu ahaa mid uu bulshada gobalada bari ugu sheegayay inay taageero u fidiyaan xisbigaas marka la gaadho tartanka ururada siyaasadda, waana sababta keentay inay labadan masuulba ka mid noqdaan weftigiisa, waxaanay madaxtooyadu hore u sheegtay inaanu Madaxweynuhu qorshaynayn inuu sameeyo xisbi kale balse go’aankiisu yahay inuu KULMIYE mar labaad soo baxo.

Kulamo doceedyada uu Madaxweynuhu la yeeshay wax garadka uu gobaladooda ku booqday iyo weliba fagaarayasha uu ka hadlay, ayay sidoo kale labadooduba goob joog ahaayeen iyagoo weliba khudbado ka jeediyay, waloow aanay soo hadal qaadin olole siyaasadeed.

BiixiMadaxweynaha oo intii uu xilka qabtay ay dad badani ku tilmaamaan nin aan la akhrisan karin waxa uurkiisa ku jira ayaa u muuqday mudadii safarka lagu gudo jiray inuu labadan masuulba si gaar ah u tixgelinayay, waxaanay inta badan labadoduba fadhiisanayeen labadiisa garab. 

 

Dad baa qaba inaanu Madaxweynuhu wakhtigan ku deg degayn inuu kala taageero rag tartamaya, waxaanay u dhowdahay inuu ka dheeraanayo inuu isagu gacmihiisa mucaaradad ku samaysto.

Samaale2Markii uu Madaxweyne Siilaanyo booqday xeryaha ciidamada labadan masuul waxay fadhiyeen labadiisa garab. Tusaale kale markii uu Madaxweyne Siilaanyo shalay fuulay diyaaradda ee uu u soo jeeday Hargeysa waxa dhinaciisa midig fadhiistay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, halka markii uu diyaaradda ka soo degayna uu Md. Samale ahaa masuulka Madaxweynaha ku xigay ee diyaaradda ka soo degay, isagoo Muse Biixina ahaa ruuxa saddexaad. 

Markii uu Madaxweynaha salaanta kula dhaqaaqay dadkii soo dhawayntiisa madaarka u tagay waxa labadiisa garab socday labadan masuul. Tusaale ahaan sawirkan waxaad ka aragtaan Md. Samaale oo aan ka dheerayn Madaxweynaha oo ay is gacan qaadayaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe). Sidaas oo kalena sawirka kale ee warkan la socda waxaad ka aragtaan Muuse Biixi oo aan isna garab socda Madaxweynaha. samaale

 

Si kooban haddii aynu u nidhaahno labadooduba markii diyaaradda laga soo degay waxay galeen labada garab ee Madaxweynaha, waxaana suurtogal ah in mid kastaaba doonayay inuu rayul caamka ka iibiyo inuu yahay ninka labaad ee soo xiga Madaxweyne Siilaanyo.

SiilaanyoSi kastaba ha ahaate, tartanku waa mabda’a aasaaska u ah siyaasadda; in masuuliyiin sidan u awood badani gudaha xisbiga KULMIYE ku tartamaan oo aanay ku kala tagin wuxuun bay kor u qaadaysaa bisaylka siyaasadeed ee xisbigaas, waxaana marag ma doon ah inay guushu raaci doonto hadba siyaasiga uu Madaxweyne Siilaanyo kalsoonidiisa siiyo. 

IMG_0047

IMG_5976