Borama: Dib U Dhiska Madaarka Oo La Dhagax Dhigay

0
655

Borama(Geeska)-Waxa shalay la  dhagax dhigay dib u dhis balaadhan oo la doonayo in lagu sameeyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Borama oo muddo dheer dayacnaa.

Wasiirka dib u dejinta iyo odayaal muxtarim ka ah magaalada Borama oo ka qayb galay xafladii dhagax dhiga, ayaa wuxuu wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan gacan ka gaysan doonaan dib u dhiska madaarka, waxaanu bulshada gobalka ku ammaanay sida ay isugu duubanyihiin ee ay uga shaqaynayaan horumarkooda. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah salaadiinta gobalka.

Geesta kale waxa shalay magaalada Borama lagu qabtay tartan aqooneed luuqadda Ingiriisida oo uu qabtay machadka Saw community college ee magaalada Borama.

Maamulaha machadka Maxamed Xaamud Cabdillaahi oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay machadka iyo ujeedooyinkii loo aasaasay. Macalimiin iyo arday kala duwan ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay ardaydu ka warameen sida ay uga faa’iidaysteen waxbarashada xarunta Saw.

Intaas ka dib waxa ardayda dhex martay dood la xidhiidha luuqadda Ingiriisida iyo aqoon isweydaarsi kale.