125 Arday Oo Shalay Ka Qalin Jebiyay Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa

0
844

ardayHargaysa ( Geeska )- Dugsiga farsamada gaacnta ee Hargaysa ayaa xaflad u qabtay 125 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, isla markaasna bartay xirfado kala duwan.

Kooxdan dhalinyarada ahayd ayaa muddo lix bilood ah waxa lagu tababaraayay xirfado kala duwan oo ay kamid ahaayeen Dabgalin, Biyogalin, Qurxinta iyo Dawaarka. Xaflad balaadhan oo loo sameeyay guddoonsiinta Shahaadooyinka oo ka dhacday Xarunta Dugsigaasa ee Magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qayb Galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Maamule Ku Xigeenka Dugsiga Farsamadda Gacanta, Masuuliyiin Ka socotay Hay’addaha UNDP, Save The Children, Ardayda Iyo Waalidka.

Ugu horeyn waxa munaasibadaas ka hadlay Maamule Ku Xigeenka Dugsiga Farsamadda Gacanta  Md. Cabdilaahi Axmed Maxamed, waxaanu kula dardaarmay ardaydaas qalin jabinaysa in ay ilaaliyaan dhaqanka suuban isla markaana la yimaadaan dabci wanaag.

Waxaana hadaladii ku xigeenka maamulka Mac-hadka ka mid ahaa, “Mashruucani waxa uu ahaa mid gaaban, laakiin tayadiisu ay kooban tahay, mudadii yarayd ee uu socday waa inagan faa’iidadiisii hayna, waxaanan odhan lahaa ardayda maanta dhamaysatay ha is odhanin wax badan ayaad barateen laakiin ogaada in la idiin dhiibay furihii. Shaqadan aad barateen waa amaano, tusaale hadii aan soo qaado islaan yar oo laydhku ka xumaaday hadii aad aragto oo  marka ay ku tidhaahdo ii hagaaji laydhkan aad tidhaahdo iska keen toban dollar, waa amaano hadii aad sida fiican u adeegsato way hagaagaysaa, hadii aadse dhinaca xun ka adeegsato waad ku khasaaraysaa.”

Cabdilaahi Xuseen oo ka socda Hay’adda UNDP  iyadu mashruucan maal gelisay, waxaan hadaladii uu xaflada ka yidhi kamid ahaa “Mashruucani waxa uu ahaa mid yar oo gaaban oo aanay mudadii dheerayn, laakiin sidaas uu Cabdilaahi idiin sheegay mudadii uu socday faa’iido badan ayuu soo saaray. Ujeedada ugu weyni waxa ay ahayd in dhalinyaradda isugu jirta hablaha iyo wiilasha aan lahayn xirfado iyo aqoon ay ku shaqo tagaan, in la baro xirfado gaar ah oo ay ku shaqo tagaan.”

Waxa aanu idiin sheegeynaa in la idiin sii kordhin doono ama iskuulku ha idiin kordhiyo ama hay?adda ama kuwo kaleba ha idiin kordhiyee in la idiin kordhin doono oo aad xirfaddaasi ku shaqo tagi doontaan? Ayuu yidhi.

Aadan Yuusuf Ducaale oo ka socday Save The Children oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka ka hadashay xafladda qalin jabinta ardaydaasi ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay barbar taagan yihiin ardayda wax ka barata “Waxa aan idiin sheegayaa in machadkan ay ka soo baxeen masuuliyiinta ay ka mid ka yihiin Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiramaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Maaliyadda ee Hadda Cabdicasiis Samaale iyo wasiirkii Hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, idinkana waxa aan idiin rajaynaa in ay idin ku jiri doonaan madaxdii Berri insha Allaah. Cilmiga aad barateen waxa la idin ka rabaa in aad ku dhaqantaan isla markaana la timaadaa caqli suuban.”

Qaar u hadlayay ardayda saaka ka qalin jabinaysa machadkan ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin sida ay maamulka machadkaasi ugu dedaaleen isla markaana u bareen wax ay intifaacsadaan mustaqbalka.

Gabogabadiina waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Maxamed Xasan Ibraahim, waxaanu maamulka Mac-hadkaasi ku bogaadiyay dedaalka badan ee ay geliyeen ardayda. Waxa uu  soo jeediyay ardayda ka qalin jabisay machadkaasi in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay bulshadda uga faa’iidayn lahaayeen waxyaabaha halkaasi lagu baray ?“Maanta waad ogtihiin halka uu cilmigu marayo, kolba sida aad dadka ula dhaqantaan uun baa la idinku eegayaa, waxaana loo baahan yahay in aydaan dadka dhibin, hadii aad dadka si fiican ugu shaqeyn waydaan waxa aad ogaataan in ay u yeedhan doonaan qof kale oo u shaqeeya.”

Ugu danbayntiina waxa halkaas lagu gudoonsiiyay ardaydii xirfadahaas qaadatay shahaadooyinkoodii, waxaana loogu baaqay inay siiwataan aqoontooda.