Bandhiga Buugaagta Caalamiga Ah Oo Beri Furmaya

1
632

booksUrrurka REDSEA CULTURAL FOUNDATION, taageerayaasha iyo iyo mutadawiiciinta kala gedisan ee ku hawlan qabashada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxay dadweyanaha deeggan Caasinmdda Hargeysa iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ugu bushaaraynayaan inuu furmayo, Jimcaha, 13 July 2012, bandhig sanadeedkii 5aad ee Bandhigga Buugaagta ee Caalmiga ah ee Hargeysa.

Bandhiggu wuxu soconon doonaa muddo toddobaad ah, wuxuna ka furmayaa guriga shaqaalaha badhtamaha caasimadda.

 Sanad kasta Bandhigga Bugaagta Caalmiga ee Hargeysa wuxuu qaataa hal ku dheg ka jawaabaya babac-dhigyada Somaliland horyaalla, iyadoo hal-ku-dhegyadii Babdhigyadii hore ay ka mid ahaayeen, xusuus wadreedka shacabka Somalailand wadaago, Waa maxay wadaniyadda iyo muwaadinnimadu, Faafreebka iyo saamaynta uu ku leeyahay is-cabirka xorta ah.

 Hal-ku-dheg sanadkan ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ahi waa ‘Hillaadinta Mustaqbalka’ oo loola jeedo in la naawilo, la odoroso, bulshada kala duwana lagu baraarujiyo jihooyinka uu qaadi karo geedi socodka ummadeed ee Somaliland mustaqbalka dhow iyo kan fogiba.

 Bandhigga Buugaata Caalamiga ee Hargeysa (BBCH), waxa uu fursad siin doonaa in hal abuurayaashu ay wax ka yidhaahdaan hillaadinta mustaqbalka bulshadooda. Qoreyaasha, gabayaaga, culimada, iyo saxafiyiintu, iyo aqoonyahanka kale waxay ka qaybgalyaasha la wadaagi doonaan halabuurkooda kaasoo isugu jira qoraalo,kala duwan, farshaxan, miyuusig, soo bandhigid masrax iyo qalaaba-gedis iyadoo ay madashu cid walba fursad u siinayso dodo-wadaag iyo aragti isweydaarsi baladdhan.

 Waxay kaqaybgaalyaaashu, fursad u helyaaan inay la falgalaan, lana kulmaan, aqoonyahan magac weyn ku leh adduunka iyi Somalilandba, waxna ka weydiiyaan curisyadoooda, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya mawduucan isaga ah ee Hillaadinta Mustaqabalka. :

 Waxa sanadka bandhigga daadihinayaa akhyaar isaga imanaysaa dalka gudihiisa iyo debddiisa, akhyaar isugu jirta Somali iyo ajaanin isaga kala imanaya daafaha adduunka.. waxa martidda sharafta badan ee bandhigga bugaqagta xoog uga dhex muuqanaya ka mid ah: Maxamed Ibraahim Warsame “Hadrawi”, Nadifa Mahamed, Said Salah, Mary Harper, Axmed Shiikh Jama, Jama Musse Jama, Laura hammond, Michael Walls, Maxamuud Sheekh Dalmar, Mohamed Yasin “Olad”, Helen Conford, Siciid Jama Xuseen, Georgi Kaptchits, Iara Lee, Maxamed Siciid Gees, Muuse Cali Faruur, Xasan Ganey, Xasan Qawdan, Shay Mire Dacar, Sahra Ilays, Saleeban Guleed, Shukri Xaaji Bandare, Cabdalle Xaaji, Axmed Ismaaciil Xudeydi, Faysal Cumar Mushteeg, Aamina Milgo, Saad Ali Shire, Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Cabdiraxmaan Yusuf Ducaale “Boobe”, Cabdiraxman Yuusuf Cartan, Axmed Ibrahim Cawaale, Xasan abdi Madar, Evan Christopher, Adam Beleloo iyop qaar kale.

Dadweynaha Ku dhaqan Caasimadda waxay Bandhigga Buugaagta ee Caalamiga sanadkan kula kulmi doonaan curisyo iyo buugag markii ugu horreysey la soo bandhigayo, buugaagtaas oo tiradooduna badan tahay, tayadooduna aad u sarrayso.

 Bandhigga Buugaagtu wuxu si gaar ah fursad ugu yahay dhalinyarada ku hamiyeysa hal abuurka iyo curinta buugaagta iyo maansada, waayo wax goobta ku sugan ciddii ay talo weydiin lahaayeen, waxa madsha ku sugan ciddii ay ku dayan lahaayeen

  Ballanteennu waa Bandhigga Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa maalinta Jimaca 9 subaxnimo, 13 July, Guriga Shaqaalahan ee badhtamaha hargeysa.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh: 4653661 ama 4099088. Email: hibf@hargeysabookfair.com

Comments are closed.