Hargeysa (Geeska)- Qasriga Neuschwanstein (Niyuufaanishtayn) oo ku yaalla koonfurta galbeed ee gobalka Bavaria ee dalka Jarmalka waxaa loo aqoonsan yahay dhaxalka taariikhiga ah ee Jarmalka iyo in uu ka mid yahay qasriyada ugu quruxda badan adduunka. Qasrigan waxaa sannad kasta daawashadiisa u soo dalxiis taga, dad tiradoodu ay ka badan tahay hal milyan oo qof, si ay u soo arkaan dhismaha qasrigan muuqaalkiisa ay maskaxdu u qaadanayso humaag malo-awaal ah.
Qasrigan waxaa qarnigii 19-naad dhisay boqor ka talin jiray gobalka Bavaria oo laug magacaabi jiray Ludfig Laba (Ludwig II). Marka laga tago qaab dhismeedka quruxda badan ee qasrigani u samaysan yahay iyo goobta deegaan ahaan dhismihiisa loo dooray oo aad u qurux badan, waxaa dheer in qasrigan ay inta badan ku xeeran yihiin qisas yaab leh oo laga sheego.
Sida ay baahisay shabakadda wararka ee Alcarabiya, boqorka Ludfig laba waxa uu dhashay bishii Siddeedaad ee sannadkii 1845 kii, waxa aanu ka soo jeeday qoys taariikh fog ku leh farshaxanka iyo guud ahaan fanka. Awoowgii Ludfig kow (Ludwig I), waxa uu ka mid ahaa raggii ugu magaca weynaa aqoonyahankii farshaxanka ee qaaradad Yurub. Ludfig kow waxa uu ahaa boqor, muddadii uu xilka hayeyna waxa uu dhisay qasriyo aad u tiro badan oo uu ugu caansanaa qasriga Hanishafaangaaw oo ku yaalla meel ku dhow magaalasa Fussen ee koonfurta galbeed ee gobalka Barvaria.
Boqorka aynu innagu ka warramayno ee Ludfig Laba, qasrigan ayaa uu ku soo qaatay carruurnimadiisii. Laakiin waxaa la sheegaa in taariikhdiisaa carruurnimo ay ahayd mid dhibaatooyin waaweyn oo qoys wehelinayeen. Aabihii iyo hooyadii xidhiidhkoodu aad ayaa uu u xumaa oo is fahmi waa iyo khilaaf joogto ah ayaa u dhexeeyey, sababta ugu weynina waxa ay ahayd marka hore oo aanu midkoodna doonayn guurka kan kale, balse ay isku guursadeen keliya doonistii labada qoys ee ay ka dhasheen.
Waxa uu ahaa guur ay ka heshiiyeen soona abaabuleen labadii boqortooyo ee Bafaariya (Bavaria) iyo Baruusiya (Prussia). Waa qoyska aabihii oo sida aynu xusnay uu dhalay boqorka Bafaariya (Bavaria) iyo hooyadii oo uu dhalay boqorka Baruusiya (Prussia) oo isla jarmalka ka tirsanaa. Labada boqor ayaa isla jeclaaday in ay isu guuriyaan labadooda carruur. Laakiin qoyska ka dhashay ma’ uu noqon mid farxad ku wada noolaada.
Ludfig Laba oo ahaa wiilka yar ee lammaanahan aan is jeclayni ka dhasheen waxa uu ku soo koray nolol nafsadeed oo aad u adag, waxaana saamayn xun caafimaadkiisa nafsadeed ku yeeshay xidhiidhka aadka u xun ee labadiisa waalid. Waxa uu inta badan ee waqtigiisa ku qaadan jiray gooni joog, waxa uu noqday qof maskaxdiisu mar kasta maahsan tahay oo u muuqda in aanu la socon waxa hareerihiisa ka socda oo dhan, waxa keliya ee la hubo in uu aad ugu fiirsadaana waxa uu ahaa muuqaallada dhex yaallay qasriga awoowgiisa boqorka ahaa ee ay ku noolaayeen, iyo muuqaallada dabiiciga ah ee ku xeeran.
Sida caadiga ah waxaa dhaxalka boqortooyada lahaa Ludfig aabihii oo ahaa Makismiliyaan laba (Maximilian II) laakiin aabihiisa uu dhaxli lahaaba waa uu ka hor geeriyooday, sidaa awgeed markii uu Ludfig awoowgiisii boqorkaahaa dhintay, isaga ayaa loo dhiibay xilkii boqortooyada, bishii Maaris ee sannadkii 1864 kii, isaga oo markaas 18 sano jir ahaa.
Sidaas ayaa uu Ludfig ku noqday boqorkii afaraad ee boqortooyadii Bavaria. Laakiin xilkaas loo dhiibay Ludfig Laba waxa uu ahaa mid saamayn weyn ku yeeshay boqortooyada, waayo Ludfig Laba xilkan uma uu qalmayn, marka la eego caafimaadkiisa nafsiga ah iyo xaaladdiisa maskaxeed. Nasiibdarrada taas ka sii daranina waxa ay ahayd in xilliga uu xilka qabanayey uu ahaa xilli adag oo ruux wadaniyadeed ay aad ugu dhex faafsanayd dawladihii yaryaraa ee Jarmalka, uguna sii darnayd boqortooyadii reer abtigii ka soo jeedeen ee Prussia oo iyadu qaadatay siyaasad ah in ay cudud milateri adeegsato.
Arrintani waxa ay keentay in Ludfig Laba uu qayb ka noqdo dagaalkii Prussia iyo Usteri, oo uu la saftay Prussia kuna dhammaaday in ay hoos u dhacdo awooddii iyo kaalintii boqortooyadiisii Bavaria ay ku lahayd gobalka, meeshana ka baxdo awooddii boqor Ludfig Laba, oo isaguna markiiba bilaabay in uu u jeesto dhinac kale oo aan ahayn kii laga filayey ee ahaa in uu bilaabo dadaalo siyaasi ah ama kuwo ciidan oo uu dib isugu muujinayo.
Inkasta oo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba laga adkaaday Ludfig Laba, haddana weli dadkiisu ma’ay tuurin oo waxa uu wax badan ku badbaaday habdhaqankiisii ahaa in uu lacago badan siiyo qof kasta oo uu u arko in uu mucaaradayo.
Xaaladdii qasri dhisiddu waa ay la sii durugtay boqor Ludfig Laba oo waxaa la sheegaa in uu ka dhex baxay caalamkii runta ahaa ee horyaalla, oo ay ugu horreyso in uu noolaado xaaladdiisa, iyo taladii uu dadkiisa u hayey. Waxa uu dhisay qasriyo uu lacag badan ku siiyey dadkii waqtigaas ugu aqoonta badnaa nashqadaynta dhismayaasha iyo farshaxanka, si ay u dhisaan qasriyo illaa maanta oo ay tiknoolajiyadda heer joogto maskaxda aadamuhu ay weli la amakaagto, iyo sawir gacmeedyo mala-awaal ah oo aan weli daawashadooda laga xiise dhicin.
Lacagta Ludfig Laba kaga baxday dhismaha qasriyada uu qurxinayo waxaa lagu qiyaasaa 250 milyan oo doolar oo waqtigaas joogay, kaas oo ah lacag aad uga badan intii ay umaddii uu u talinayey mudnayd in uu ugu qabto wax ka duwan dhismeyaashan.
Ugu dambayntii golihii dawladdu waxa uu go’aansaday in xilka laga qaado boqor Ludfig Laba oo la sheego in afar dhakhtar ay ka marag kaceen in xaaladda caafimaad ee maskaxdiisu aad hoos ugu dhacday, taladana aan lagu hallayn Karin. Laakiin Ludfig Laba lama xidhin lamana dhibaatayn ee waxa ay dawladdu dejisay mid ka mid ah qasriyadii quruxda badnaa ee uu dhisay, halkaas oo intii noloshiisa ka dhinnayd lagu daryeelayey.
Boqor Ludfig Laba, sannadkii 1886 kii ayaa isaga iyo dhakhtarkiisii oo mayd ah laga helay xeelliga biyo xidheenka Starnberg, maadaama oo aanay cid marag ahi jooginna illaa hadda war sugan lagama hayo sababta dhimashadiisa, in kasta oo taariikhyahannada qaarkood mala awaalaan in uu dilay dhakhtarkiisa, kaddibna is dilay, kuwo kalana sheegaan in ay jirto mu’aamarad labadoodaba lagu dilay.