Ardayda Baadista Iyo Cawaandada La Kulma Waxaa Ku Dhaca Dhibaatooyin Caafimaad Oo Dhinaca Maskaxda Ah

0
613

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in baadista iyo cawaandada ay ardayda qaar kala kulmaan ardayda kale ee ay dugsiyada wax ku wada baranayaan, gaar ahaan xilliga dugsiga sare, sababto dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca maskaxda ah iyo in uu mustaqbalka bulshada ka faquuqnaado.

Daraasaddan waxaa iska kaashaday cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadaha Lancaster ee dalka Ingiriiska iyo jaamacadda Sedney ee dalka Ustareeliya, natiijadeedana waxaa lagu faafiyey cadadkii u dambeeyey ee Joornaalka jimciyadda Maraykanka ee horumarinta cilmiga.

Cawaandadda nooca dhibaatada keenaysa ee ay ka hadleen xeeldheereyaashuna waa in ilmaha ama koox carruur ahi ay si joogto ah dhibaatayn, gujo iyo dilis ama baadis ugala kulmaan ardayda kale ee dugsiga ay wada dhigtaan. Waxa kale oo ka mid ah in ardaygan ay ardayda kale ka faafiyaan dacaayado weji gabax ku keenaya, in ay u hanjabaan, in ay aflagaadadiisa isugu soo ururaan kana dhigtaan maad ay ku qoslaan iyo in ay jidh ahaan garaacaan ama u gujo-gujeeyaan, waxa kale oo ka mid ah in ay iska bahaystaan, oo isaga ay gooni u faquuqaan, ama yasaan ficillada iyo hadallada ay ku arkaan.

Cilmibaadhayaashu intii ay daraasadda wadeen waxa ay baadhitaanno iyo tijaabooyin ku sameeyeen arday tiradoodu ka badan tahay 7 kun oo u dhexeeya da’da 14 illaa 16 jirka ee wax ka barta dugsiyada saree e Ingiriiska.

Baadhistaas natiijada uga soo baxdayna waxa ay noqotay in ardayda la kulma xaaladhaani ay boqolkiiba 40 u dhowyihin in ay ku dhacaan dhibaatooyin caafimaad darro oo dhinaca maskaxda ah, gaar ahaan in dhibtan raadkeedu uu ku soo baxo mustaqbalka marka ay gaadhaan 25 sano jirka. Iyo in dhalinyarada da’dan 25 jirka ah ee ardaynimadii xaaladdan soo maray ay boqolkiiba 35 bilaa shaqo yihiin.

Arrintan ayaa sababteeda loo malaynayaa faquuqnimada qofkan ku dhacaysa oo keenaysa in uu bulshada dhexgeli kari waayo lana shaqayn kari waayo iyo il nugeylka oo marka hore sababa in uu Tabaha ugu habboon u mari kari waayo shaqo raadiska, ama ay ku keenaan xaalado sababa in qofka shaqaalaysiinayaa uu aqoonsan kari waayo shakhsiyaddiisu in ay tahay tii shaqadan u qaban lahayd.

Waxa kale oo ay daraasaddu iftiimisay in xaaladdani ay dhaawac u geysato heerka waxbarasho ee ardayga, boqolkiiba tobanna ay hoos u dhigto fursadaha uu kaga mid noqon karo ardayda dhibcaha sare ka keenta imtixaanka.

Dr. Emma Gorman oo hoggaamineysay xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa mar ay natiijada soo baxday ka hadlaysay waxa ay sheegtay in xaaladaha aynu soo xusnay ay saamayn taban ku yeeshaan nolosha dhalinyaronimo ee ilmaha. Dhibaatooyinka ay ku keeni kartana waxa ay tusaale ugu soo qaadatay qofka oo ay hoos u dhacdo ixtiraamka iyo sharfidda uu naftiisa u hayaa.

Cilmibaadhiso hore loo sameeyey ayaa iyaguna muujinaya in arrintan dhibaatadeedu aanay ku koobnayn carruurta oo keliya, balse ay sida oo kale lagu arko dadka da’da ardaynimada dhaafay ee shaqada kala kulma cadaadis iyo cidhiidhinta badan, ama mar kasta la dareensiiyo in shaqadoodu ay khatar ku jirto ama si joogto ah loogu hanjabo ciqaabo shaqo iyo in ay shaqada waayi doonaan. Daraasadaha hore waxa ay sheegeen in dadka shaqada xaaladahan kala kulma ay ku dhacdo caafimaad darro wadnaha iyo xididdada dhiigga ee maskaxda ahi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here