“Shakhsiyadda Siilaanyo Weligay Waxba Kama Sheegin, Laakiin Xisbiga KULMIYE….Sicii Sulub”

0
2732

sulub

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay inuu xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaradka ahaa marba xukuumadii jirtay ula soo bixi jiray wejiga cusub.

Siciid Sulub, oo xalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay inaanu marna wax xumaan ah ka sheegin shakhsiyada Madaxweyne Siilaanyo, “Shaqsiyada Axmed Siilaanyo oo maanta xukunka haya waxaa la ii qiriyaa in aanan weligay waxba ka sheegin oo aanan shaqsi weerar ahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu raaciyay, “Laakin xisbiga kulmiye uu mar qolanimo noogu hanjabo marna qof nimo noogu hanjabo oo wixii uu doono ku hadli jiray ma waxaad odhan lahayd halaga aamuso oo yaan loo jawaabin.” Ayuu yidhi isagoo ka jawaabayaya su’aal uu weriyuhu weydiiyay.

Isagoo ka hadlaya nuxurka su’aal la weydiiyay oo ahayd inay madaxda xisbiga KULMIYE wax badan ka xishoon jireen xilligii ololihii doorashada, balse uu isagu si cad u difaaci jiray Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu yidhi, “Anigu xishoodkaas maan aqoon haddii ay xishoon jireen. In aan ka xishoodo waxay dadnimadu tahay oo aan ka dhuunto masuuliyada aan u ban baxay ee aan Daahir Rayaale ku ag fadhiyey oo aan weerarka kaligii kaga baxo dhaqan igamay ahayn oo xataa inaga dhaqan inoomay ahayn markaad eegto dhaqankeena soo jireenka ah.”

Siciid Sulub, waxa kale oo uu ka hadlay xaalada gobalada bari, tallooyin uu xukuumadda u soo jeediyay iyo farriimo uu u diray golaha wakiilada oo uu ugu baaqay inay xukuumadda ula xisaabtamaan sidii ay ula xisaabtami jireen cahdigii Rayaale.