Bluetooth Ka Iska Xidh Marka Aad Dantaada Ka Dhammaysato, Si Aanad Ula Kulmin Khatar Basaasid Ah

0
976

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa ku talisay in dadka isticmaala  kombiyuutarrada, taleefannada gacanta iyo guud ahaan qalabka ku shaqeeya barnaamijyada ‘iOS’ iyo ‘Microsoft’ iyo sidoo kale saacadaha gacanta ee ‘Bluetooth’ ay iska xidhaan adeegga Bluetooth marka aanay isticmaalayn.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa ku warramay in koox cilmibaadhayaal ahi ay ogaadeen in ay ‘Bluetooth’ ku jirto cillad suurtagelinaysa in ciddii u baahani ay qalabkan kala soo xidhiidho Bluetooth oo suurtagelinaya in lala socdo meelaha uu sida joogtada ah u tago qofka sita qalabka ‘Bluetooth’ kiisa ay ku jiraan.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in qalabka cilladdan leh ay ka mid yihiin qalabka ay soo saarto shirkadda ‘Apple’ oo ay ka mid yihiin ‘iPad’, saacadaha gacanta iyo sida oo kale taleefannada ‘iPhone’ iyo qalabyada la midka ah eek u shaqeeya barnaamijka Microsoft, laakiin waxa ay khubaradu ka soo reebeen qalabka ku shaqeeya barnaamijka ‘Android’ oo ay aanay isaga suurtagal ahayn in ‘Bluetooth’ lagu basaaso.

Johannes Becker oo ka mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ka socday jaamacadda Boston ee dalka Maraykanka ayaa warmurtiyeed xeeldheereyaashu soo saareen ku sheegay, in dadka qalabka ay soo sheegnay isticmaala badankooda uu mar kasta u shidan yahay adeegga ‘Bluetooth’ taas oo macnaheedu yahay in ay mar kasta halis u yihiin in dhaqdhaqaaqooda si weyn loola socdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here