40 Diblumaasiyiinta Maraykanka Ee Cuba Ka Mid Ah Ayaa Maskaxdooda Xusuusta Laga Dhaqay

0
868

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan xukuumadda Maraykankaha oo shaybaadho caafimaadk u sameeyey ayaa ogaaday in maskaxda 40 ka mid ah diblumaasiyiinta Maraykanka ee dalka Cuba ayaa la ogaaday in ay dhibbane u noqdeen wax sabab u noqday in maskaxdooda uu ku dhaco isbeddel xusuustoodii maydhay.

Dawladda Maraykanka ayaa weli qarinaysa sababaha loo adeegsaday maskax dhiqista diblumaasiyiintan, oo lagu ogaaday cilmibaadhis ay sameeyeen dhakhaatiir ka tirsan jaamacadda Pennsylvania oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda American Academy of Medicine. Laakiin waa ay xaqiijiyeen in diblumaasiyiintan oo Cuba joogay intii u dhexeysay dabayaaqadii 2016 illaa May 2018 ay ku dhacday sabab keentay isbedello ku dhaca maxkadooda. Waxa aanay intaas ku dareen in aanay jirin sababo caafimaad oo hore diblumaasiyiintan u haysay, taas oo loo malayn karo in ay diblumaasiyiinta dhibaatadan ku keentay.

Diblumaasiyiintan ka shaqaynaysay dalka Cuba iyo xubno qoysaskooda ka mid ah ayaa lagu arkay dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan, kuwaas sababay in ay ka lunto isu dheellitirnaantii jidhkooda, xidhiidhsanaantii tallaabada, dhaqaaqa indhaha, dawakhaad joogto ah, warwar aan sabab lahayn iyo cadho degdeg ah, arrimahaas oo ay sheegeen in ay calaamad u yihiin hoos u dhac ku yimi garaadka qofka.

Diblumaasiyiintan oo markii daryeel caafimaad loo sameeyey ay qaarkood dib u caafimaadeen, ayaanay illaa imika dawladda Maraykanku doonayn in ay shaaciso sababaha xaaladdan ku keenay iyo cidda laga yaabo in ay sabab u ahayd. Laakiin masuuliyiinta dalka Cuba oo ay warbaahintu marar kala duwan ka weydiisay kaalinta ay dawladdoodu ku lahayd arrintan ayaa ku celceliyey in aanay dawladdoodu arrintaas wax masuuliyad ah ku lahayn.

Badhtamihii sannadkii 2017 kii ayaa ay ahayd markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanku dalbatay in xunta caafimaadka dhimirka ee jaamacadda Pennsylvania ay shaybaadh maskaxda ah ku samayso diblumaasiyiin tiradoodu ka badan 44 iyo qoysaskooda oo ka soo shaqeeyey dalka Cuba. Waxaana shaybaadhkaas ka soo baxay in isbeddel weynu ku jiro qaabka shaqo ee maskaxda diblumaasiyiintan, gaar ahaan qaybaha xakameeya dhaqdhaqaaqa jidheed ee qofka.

Dawladda Cuba ayaa war ay daraasaddan cusub ka soo saartay toddobaadkii hore waxa ay shaki gelisay runnimada natiijada ka soo baxday daraasaddan. Agaasimaha xarunta cilmiga caafimaadka dareen-wadeyaasha ee dalka Cuba Mitchell Valdis Sosa ayaa shaki geliyey in daraasado noocan ah ee Maraykanku uu wado lagu gaadho natiijo cad oo caddayn karta in diblumaasiyiintan ay ku dhacday xaalad dibadda kaga timi oo ku keentay dhibaatadan caafimaad ee maskaxdooda lagu arkay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here