Biyaha Sixada Iyo Cuntooyinka Qaar Ayaa Sababa In Uu Jidhka Galo Caag Khatar Ku Keenaya Caafimaadka

0
972

Washington (Geeska)- Maalin kasta waxaa jidhkeenna gala walxo yaryar oo marar badan ili maqabatay ah oo caaga. Waxa ay inoo raacdaa cuntada, cabitaannada iyo xitaa hawada aynu neefsanayno.

Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey oo natiijadeeda uu daabacay joornaalka ka faallooda cilmiga deegaanka iyo Teknoolajiyadda ee ‘Environmental Science & Technology’ ayaa iyaduna daahfurtay in dadka sida gaarka ah u cabba biyaha warshadaysan (Biyaha sixada) ay qiyaas 90 kun oo gobal oo caag ahi ku korodha caagga marka horeba jidhka gelayey ee cuntada, biyaha iyo hawada ku lammaan.

Cilmibaadhisuhu waxa ay muujinayaan in saxarrada yaryar ee caagga ah ee jidhka galaa ay dhexgeli karaan nudaha jidhka, taasina ay sababto in habdhiska difaaca ee jidhku uu heegan galo, si uu uga hortago, laakiin ay qofka ku keento dhibaato caafimaad, ama saxarka yare e caagga ahi uu jidhka ku sii daayo walxo iyo wasakhda uu marka hore watay, oo ay ka mid noqon karaan walxo bir ahi.

Caagga iyo cuntada

Inkasta oo ay daraasadaha qaar dood ka keeneen xaddiga in xaddiga balaastigga ah ee jidhka gelayaa uu ku filan yahay in uu khtar ku noqdo caafimaadka. Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee CNN, Marar badan cuntada marka la warshadaynayo ama la qasacadaynayo / la xidh-xidhayo waxaa si uun u r aaca caag ili-maqabatay ah, kaas oo sidaas u gaadha gudaha jidhak qofka. Cilmibaadhiso 26 ka badan oo hore loogu sameeyey caaggan cuntada raaca ayaa muujinaya in saxarrada caagga ah ee jidhka galaa ay sababtoodu tahay, hawada, alkoosha (Dadka cabba), biyaha caaggadaha (Biyo sixada), malabka, cuntada badda, milixda, sonkorta iyo biyaha qasabadaha oo laakiin xaddiga caagga raacaa aad uga yar yahay ka raaca biyaha warshadaysan. Daraasaddaasi hilibka iyo khudaarta kuma ay darin meelaha uu caggu uga yimaaddo jidhka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here