Hurdada Duhurka Kaddib Waxa Ay Carruurtu Ka Helaan Farxad Iyo Fariidnimo Waxa Aanay Ka Ilaalisaa Dhaqan Xumada

0
819

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan Maraykanka lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in carruurta oo la seexiyo duhurkii ay ka helaan farxad dheeraad ah, fariidnimo iyo waxbarashada oo ay ku sarreeyaan, kana ilaaliso dhibaatooyinka dhinaca anshaxa iyo habdhaqan xumada ah.

Cilmibaadhista oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan labada jaamacadood ee Pennsylvania iyo California ee dalka Maraykanka, natiijadeedana lagu faafiyey Joornaalka cilmiga ah ee ‘Sleep’ ayaa lagu ogaaday in uu xidhiidh ka dhexeeyo hurdada duhurkii iyo korodhka farxadda, xakamaynta nafta, hoos u dhaca dhibaatooyinka dhinaca anshaxa iyo heerka fariidnimo ee carruurta. Tusaale ahaan tijaabooyinka la sameeyey ayaa muujinaya in carruurta toddobaad kasta saddex maalmood iyo ka badan seexda uu boqolkiiba 7.6 kor u kaco heerka kooda waxbarasho iyo gudashada waajibaadkooda tacliinta, marka la barbardhigo carruurta la mid ah ee aan iyagu seexan.

Dr. Adrian Rayne oo hormuud u ahaa cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey ayaa iyaguna sheegaya in carruurta ay maalintii ku yar tahay hurdada iyo lulada hurdo u baahinaysa, taas oo ay khubaradu ku qiyaaseen in cecelis ahaan boqolkiiba 20 keliay carruurta ay hurdo maalinnimo qabato. Laakiin waxa uu sheegay in haddii ilmuhu maalintii seexdo uu ka helayo waxtar la mid ah ka uu ka helo hurdada habeennimo oo dhan.

Cilmibaadhis hore ayaa iyaduna muujisay in 30 daqiiqo oo keliya oo ay carruurtu duhur kaddib seexataa ay ka caawiso in ay si fudud u baran karaan xirfadaha cusub, gaar ahaan in ay ku fiicnaadaan barashada afafka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here