Bishaaro Dadka Dhiig Karka Qaba Ku Socota: Tallaal Cusub Oo Dhiigga Dejinaya Muddo Lix Bilood Ah

0
631

Washington (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku guulaystay in ay horumariyaan tallaal cusub oo hoos u dhigaya dhiigga kacsan, muddo lix bilood ahna ka ilaalinaya kicitaanka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa cabsida mar kasta laga qabo in uu dhiiggu kaco xitaa iyada oo dawadiisa la isticmaalayo iyo ta ka sii muhiimsan oo ah in aan hadda kadib laga baqan doonin raadadka taban ee dhiigkarku uu aakhirka keeno.

WArkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Sharqal Aawsat oo laga leeyahay dalka Masar, waxa uu intaas ku darayaa in cilmibaadhis ay samaysay jimciyadda caafimaadka wadnaha ee dalka Maraykanka lagu helay tallaal cusub oo dejinaya dhiigga, taas oo ay ku nasan doonaan dadka qaba dhiigkarka ee imika ku qasban in ay maalin kasta qaataan dawada dhiigga dejisa. Dr. Hironori Nakajamy oo tallaalkan cusub ka hadlaya ayaa sheegay in uu si weyn u anfici doono xakamaynta dhiigkarka, gaar ahaan marka uu aad u kaco ee uu gaadho xaalad la maamuli kari waayo. Cilmibaadhayaashu waxa ay tallaalkan cusub ka soo dheegteen DNA, marka qofka lagu mudana waxa uu durbadaba beegsanayaa hormoonka Angiostensin II  oo ah hormoonka keena dhiig karka.