Guddoomiye Saleban Oo Ka Jawaabay Farriintii Uu Cawil Ku Duray Hoggaamintiisa

0
510

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay hadalo uu wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ku duray hoggaamintiisa guurtida.

Md. Saleban oo shalay waraysi kooban siiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka Star, wuxuu kale ka hadlay soo jeedin uu Cawil ugu baaqay oo nuxurkeedu ahaa inuu caqabadaha la soo dersa u xaliyo sidii uu u waajihi jiray Alle haw naxariistee guddoomiyihii guurtida aasaasay Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, “Waxa ila tahay haddii qaranku garto in xilka layga qaado waa la iga qaadi karaa laakiin nin meelahaas ka hadlay dhagaysan maayo una jawaabi maayo.” Ayuu yidhi Saleban. Mar la weydiiyay sida uu u arko soo jeedinta Cawil ee ahayd inuu xalinta caqabadaha kaga deydo guddoomiyihii ka horeeyay ee Marxuum Sheekh Ibrahim, wuxuu yidhi  “Waa rayi nin laakiin dee waanu wadnaa, talaabadii uu sheekhu ka tagay iyo guurtiduna lahayd waanu wadnaa, waanu ku taaganahay wadadii.” Isagoo ka hadlaya hadal Cawil ku yidhi oo ahayd inaan loo arag inuu saddexda xisbi la tartamayo oo haddii ay taasi dhacdo uu noqon doono nin dabaysha la baratamaya, islamarkaana ay cid waliba ixtiraamo go’aanka uu madaxweynuhu ku aqbalay heshiiska asxaabta,  wuxuu yidhi “Xisbina ma furna, da’adeednii ma joogo, Siilaano waa madaxweynihii qaranka waanan ku xurmaynayaa, isaguna inuu ku xurmeeyo weeye.”