Bin Cali Illaa Bashiir: Hadda Ayuun Baa Ay Dhammaystirantay Tirada Sawirkii nasiibdarradu

0
635

Hargeysa (Geeska)- “Ciddii Cabsi Alle ku jirto waa u cibaaro” waa aayad ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah oo innagu baraarujinaysa in qisaska iyo dhacdooyinka innaga horreeyey ee uu Qur’aanku ka warramaa ay yihiin tariikh la innaga rabo in aynu wax ka baranno. Aayaddani waxa ay maalmihii u dambeeyey dhalinyarada carabta u ahayd hal-ku-dheg ay ku faafiyaan baraha bulshadu ku xidhiidho. Iyaga oo raacinayey sawirka madaxdii Carabta ee xukunka lagaga tuuray kacdoonnadii ka soo bilowday dalka Tuuniisiya, illaa haddana maraya dalka Suudaan.

Sawirka aad loo fafinayey oo ah kan aynu qormadan raacinnay, waxaa la qaaday mar ay madaxdani isugu yimaaddeen shirmadaxeed carbeed. Waxaana safka hore ka muuqda madaxweynihii dalka Tuuniisiya, Saynucaabidiin Bin Cali, madaxweynihii dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, hoggaamiyihii dalka Liibiya, Mucammar Al-Qaddaafi, madaxweynihii dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak, madaxweynihii dalka Aljeeriya Cabdalcasiis Bu-tafliiqa, iyo madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Sawirkan oo muddo lagu celcelinayey ayaa aad u faafay markii kacdoonnadu ka bilowdeen dalka Aljeeriya, waxa aanu xiisihiisu kor u sii kacay markii madaxweynihii Aljeeriya is casilay, kacdoonnadii Suudaanna ay luleen madaxweyne Cumar Al-Bashiir, iyaga oo dadku ku hoos qorayey, ‘Bashiir’ ayuun baa tiradii ka hadhay.

Mid ka mid ah dadkii sawirkan ku faafinayey baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ayaa ku dul qoray “Bashiiroow adiguna waad dhacaysaa ee shamaca wareejisi, Suudaan ha noolaato ee”

Inkasta oo masiirka madaxweyneyaashani mareen uu kala duwanaa, haddana dhammaantood waxa ay wadaagaan ama aad isaga dhow yihiin arrimo ay ka mid yihiin; in sababta ay kursiga uga dhaceen ay tahay kacdoonno dadkoodu kaga hor yimaaddeen xukunkooda aanay dhammaadka u samayn.

Waxaa ugu horreeyey Madaxweynihii Tuunisiya oo xukunka ka cararay bishii koowaad ee 2011 kii, kaddib markii dadweynuhu ay ka gadoodeen dulmiga lagu hayo dadka dabaqadda hoose. Saaxiibkii Mubaarak ayaan waxba ka dambayn oo isaguna galbaday 4 toddobaad kaddib oo ahayd bishii Feebarweri 2011 kii. Reer Liibiya ayaa iyaguna markooda shamaca qaaday oo Lix maalmood oo keliya markii uu Mubaarak sii maqnaa, waxa ay bishii Feeberweri bilaabeen dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in aanu ka hadhin labadiisa saaxiib ee hoggaaminayey labada dal ee labada dhinac ka xigay Liibiya. Laakiin Qaddaafi waxa uu isku dayey in aanu sida raggii hore cararin, oo uu dadka qaybiyo hubna adeegsado. Nasiibdarro taasi dalkii waxa ay gelisay xaalad dagaal sokeeye oo uu isagii ku baxay, illaa haddana dhiiggu qubanayo.

Isla sannadkaas 2011 ka oo la baxay gu’gii Carabta ayaa ay kaceen dadka reer Yemen oo iyaguna markooda hoggaamiyihii muddada dheer hor fadhiyey u sheegay in la gaadhay waqtigii uu xilka ka tegi lahaa. Isna waa uu dhego adaygay, oo mar uu ku sigtay in uu ku dhinto qarax ka dhacay masaajidka madaxtooyada, kaas oo dhaawacyo aad u waaweyni ay ka soo gaadheen. Muddo kaddib waxaa Cali Cabdalla Saalax lagu qanciyey in uu xilka nabad ku banneeyo, waana uu aqbalay oo isla sannadkii 2011 bishii noofambar ayuu xilka ku wareejiyey ku xigeenkiisa. Haddiise uu banneeyey baladii kama hadhin, oo waxa uu qayb ka noqday colaaddii sokeeye ee dalka, illaa aakhirkii ay tiisii noqotay, oo kuwii uu la bahoobay oo Xuutiyiinta Yemen ahi ay dileen bishii Diisambar ee 2017 kii.

Madaxweynihii Aljeeriya ayaa ay kalkiisii noqotay oo dibadbaxyo dadweyne oo toddobaadyo socday kaddib bishan Abriil 2019 ka ku dhawaaqay n uu xilkii bannaynayo, siyaasadana ka fadhiisanayo.

Saacado kaddib markii Buu-tafliiqa uu galbaday ayaa wasiirka difaaca ee dalka Suudaan Ciwad Bin Cawf waxa uu akhriyey wareegtadii lambar kow ee ciidamada dalka Suudaan ay ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Bashiir oo muddaba gadoodka dadweynaha iska indha tirayey.

Madaxweyne Bashiir waxa uu noqday hoggaamiyihii lixaad ee soo xidhay tirada lixda hoggaamiye ee sawirkan wada galay oo muddo 8 sano gudahood ah dhammaantood xukunka si fool xun uga dhacay, kaddib markii dadkoodu ay diideen in ay ku hoos noolaadaan.

Arrinta kale ee yaabka leh ee ay hoggaamiyeyaashani wadaagaan ayaa ah sawirkan labaad ee isla qormada la socda.

Waa shan ka mid ah lixdii hoggaamiye ee dadkoodu naceen oo mar kale sawir wada galay, sannadkii 2010, oo ahayd shir madaxeedkii Afrika iyo Carabta.

Waxaa ka sii yaab badan in labada madaxweyne ee markan tarraxa oo ah madaxweynihii hore ee dalka Burkino Faso, Blaise Comapaore iyo madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ay labadooduba mareen masiirka shanta nin ee sawirka kula jiraa mareen.

Waxaa iyaduna dareenkeeda leh in labadan hoggaamiye ee Afrikaanka ah, ee markan sawirka ku soo biiray ay lixdii hore kala mid yihiin xilliga ay xukunka qabteen ee isu dhow marka laga reebo Qaddaafi. Siddeeda hoggaamiye waxa ay wadaagaan in ay ahaayeen keli talisyo gacan bir ah dadkooda ku hayey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here