Caafimaadka iyo Cuntada: Toonta Oo La Ogaaday In Ay Xoojiso Xusuusta Dadka Waayeelka Ah

0
539

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan la sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfuray in cunista cuntooyinka toonta lagu sameeyaa ay wax ka tarto hoos u dhaca ku yimaadda xusuusta iyo awoodda garasho ee maskaxda, oo inta badan ku yimaadda da’ weynaanta.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Louisville ee dalka Maraykanka ayaa natiijadeeda lagu soo bandhigay shir sannadlihii jimciyadda Maraykanka ee cilmiga shaqada xubnaha aadamaha ee Physiology-ga loo yaqaanno oo 6 dii illaa 9 kii bishan Abriil ka qabsoomay gobalka Florida.

Waxa ay cilmibaadhayaashu caddeeyeen in ay ogaadeen in cunista toontu ay caawiso xakamaynta isbedellada ku yimaadda gabowga ee qofka ku dhaca, gaar ahaan kuwak u yimaadda Bakteeriyada waxtarka leh ee midhicirada iyo dhibaatada la xidhiidha xusuusta.

Cilmibaadhistu waxa ay ogaatay in ay jidhka aadamaha ku jiraan balaayiin walxo nool ah, noocyadaas oo bakteeriyo ahina ay saamayn taban ku yeeshaan hab-dhiska difaaca ee jidhka, isaga oo kalana kaalin ka qaataan difaaca tooska ah ee uu jidhku sameeyo marka uu dareemo cudurrada qaar ama xasaasiyadi ku dhacdo.

Waxaa jirta bakteeriyo waxtar u leh jidhka oo bilo yar kaddib marka uu qofku dhasho ku abuuranta midhicirada iyo caloosha qofka, inta uu noolyahayna ku lammaanaata. Bakteeriyadaas waxtarkeeda waxaa ka mid ah in ay kaalin aasaasiya ka qaadato burburinta maaddooyinka kala duwan ee cuntadu ka kooban tahay.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in bakteeriyada midhicirada ku dhalataa ay kaalin muhiim ah ka qaadato ka takhalusidda hadhaaga cuntada ee jidhka ku hadha, isla markaana ay ka caawiso in jidhku uu nuugo macdanaha kala duwan iyo Faytamiinnada. Waxa kale oo ay soo deysaa maaddooyin la nooc ah dawooyinka dila bakteeriyada iyo jeermiska oo shaqadoodu tahay in ay la dagaallanto bakteeriyada dhibaatada ku leh caafimaadka iyo xanuunnada jidhka soo weerara.

Jiyootir Maaya Beyhar oo hoggaaminaysay khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa sheegtay in toontu ay caawin karto ilaalinta kala duwanaanshiyaha noolaha ili maqabatayga ah ee ku jira midhicirada, iyo wanaajinta caafimaadka garasho ee maskaxda dadka waayeelka ah.

Jiyootir waxa ay intaas ku dartay in bakteeriyadaas waxtarka leh ee midhicirada ku jirta oo dhimata ama isu dheellitirnaanta weydaa ay sababto xaalado xanuun oo dhinaca neerfaha ah, kuwaas oo gaadhsiisan illaa heer ay qofka ku keenaan xanuunnada xusuusta lumiya ama unugyada maskaxda dila, sida Alaymarka (Alzheimer), Gariirka (Parkinson) iyo faaligga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here