Shirkadda Sonny Oo Soo Saartay Cajaladaha Kaydka Kombiyuuutarka Oo Biyaha Iyo Jugta U Adkaysan Kara

0
603

Tokyo (Geeska)- Shirkadda Sonny ayaa ku dhawaaqday in ay soo saartay cajaladaha kaydka kombiyuutarka ee ‘Hard Disk’ oo dhammaan dhinacyadeedu adkaysi u leeyihiin jugta ka soo gaadha dhicista ama waxa ku dul dhaca, boodhka iyo biyaha.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in cajaladahan cusub oo ka samaysan caag iyo alamuuniyam, loogu talagalay dadka shaqooyinka dhibta badan qabta ee ka cabsi qaba in ay ka dhacdo cajaladdu ama jugi ka soo gaadho.

Daloolka USB ee uu gelayo xadhiga cajaladahan ku xidhaya kombiyuutarka ayaa leh dahaadh ka ilaalinaya boodhka iyo biyaha, xitaa haddii ay qiyaas hal mitir ah hoos u dhex quusto. laakiin muddada ay ku jiraysaa aanay ka badan 30 daqiiqo.

Shirkadda Sonny waxa ay sheegtay in muhiimadda cajaladahani aanay ahayn adkaysigas oo keliya, balse ay u dheer tahay in ay leeyihiin fudayd sababaya xawaare aad u sarreeya oo la dareemayo marka wax lagu shubayo ama lagala baxayo.

Cajaladaha cusub ‘Hard Disk’ ayaa isugu jira kuwo qaadkoodu yahay 500GB, 1TB iyo 2TB, waxa aanu qorshuhu yahay in suuqa iibka la soo geliyo gu’ga soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here