Biden: 32 Sano Kaddib Markii Uu Damac Madaxweyne U Tartamay, Laba Jeerna Guuldarraystay Ayaa Uu Noqday Madaxweyne

0
485

Laba guuldarro oo ka hor istaagay gaadhista aqalka cad, iyo dhibaatooyin qoys oo xanuun badan kaddib, Joe Biden waxa uu cod aan hore loo arag ku helay kursiga madaxtinimada Marayknaka.

Biden oo 76 sano jir ah dad badanina ku dhaliilayeen in da’diisa iyo xaaladihiisa caafimaad aanay saamayn in uu dalka hoggaamiyo ayaa dadka Maraykan ku qanciyey in uu yahay ka wax ka qaban karaya xanuunka cabsida ku haya ee COVID-29, isla markaana dib u midayn kara muwaadiniinta uu madaxweyne Trump sida aan hore loo arag u qaybiyey.

Joe Biden sannadkii 1988 kii ayaa uu galay ol’olihiisii ugu horreeyey ee doorasho, kaddib markii uu isu soo taagay in uu xisbiga Dimuqraaddiga dhexdiisa uga tartamo murashaxnimada doorashada madaxweynaha, laakiin bilowgiiba waa uu guuldarraystay oo waxa uu xisbigu soo sharraxay Michael Dukakis oo isaguna ku guuldarraystay tartankii doorashada madaxtinimada oo uu la tartamay George Bush kii weynaa oo xisbiga Jamhuuriga ka socday.

Biden guuldaradiisu ma’ay ahayn mid dabiici ah oo laga cod batay, balse waxa ay ahady sababta fadeexad soo foodsaartay oo kalliftay in uu doorashada ka hadho, kaddib markii lagu eedeeyey in khudbaddii murashaxnimada ee uu jeediyey qaybo badan oo ka mid ah in uu ka soo xaday hoggaamiye siyaasadeed Ingiriis ah oo hore u jeediyey.

Intii u dhexeysay sannadihii 1992 kii illaa 2004-tii Biden waxa uu ka fogaaday murashaxnimada madaxweyne ee xisbigiisa dhexdiisa, kaddib markii qiimayn uu ku sameeyey ay uga soo baxday in fursadaha uu guul ku heli karaa ay aad u adag yihiin.

Sannadkii 2008 ayaa uu mar kale soo rogaal celiyey Joe Biden, waxa aanu ku biiray murashaxiinta xisbiga dimuqraaddiga dhexdiisa uga tartamaya murashaxnimada dalka. Mar kale ayaa uu guuldarraystay, kaddib markii inta uu arkay in fursadaha guusha ee u muuqdaa ay yar yihiin uu is casilay. Waxaana doorashadaas xisbiga Dimuqraaddiga kaga soo baxay Barak Obama oo markii dambe Biden u doortay murashax madaxweyne ku xigeen.

32 sano kaddib markii uu damaca madaxweyne u dagaalamay, Biden sannadkan 2020 ka ayaa uu ku guulaystay madaxweynenimada maraykanka, kaddib markii doorasho aad u adag uu codad aad u tiro badan kaga adkaaday madaxweynaha weli xilka haya Donald Trump.