25 Jir Curyaan Ah Oo Ka Adkaaday Kornayl 62 Jir Ah Ayaa Ka Mid Ah Xildhibaannada Guulaystay Ee Maraykanka

0
680

Madison Cawthorn oo xisbiga Jamhuuriga uga soo baxay gobalka North Caroline ayaa noqday xildhibaanka ugu da’da yar golaha wakiillada Maraykanka ee doorashadii toddobaadkii hore ku guulaystay.

Sida uu ku warramay wargeyska New York Times wiilkan oo 25 sano oo keliya da’diisu tahay isla markaana ah naafo ku socda gaadhi curyaan ayaa ka adkaatay Moe Davis oo ah Kornayl 62 jir ah oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka Maraykanka. Madison oo noqonaya xidhibaankii muddo 50 sano ah ugu da’da yaraa ee ka mid noqda Kongareeska Maraykanka ayaa ay da’diisu tahay ta ugu hoosaysa ee uu sharcigu ogolyahay in ay golahan ka mid noqoto, taas oo uu kagaga badbaaday lixdan maalmood oo keliya, maadaama oo uu bishii Ogosto uun da’dan gaadhay.

Madison inkasta oo uu xisbiga Jamhuuriga ka tirsanyahay haddana guushiisa waxaa ka xumaatay inta badan ee masuuliyiinta iyo kaadiriinta xisbiga Jamhuuriga, laakiin dhalinyarada xisbiga iyo dadweynaha taageera ayaa iyagu aaminsan in ay arrintani ay tahay isbeddel dhiig cusub ku shubaya xisbiga. Sida oo kale waxaa taageero xooggan u muujiyey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo masuuliyiinta taageersan.

Xildhibaanka da’da yar ayaa la sheegayaa in la doortay iyada oo haddana ay jireen warar badan oo laga sheegayo sumcaddiisa, kuwaas oo ay ka mid tahay in uu been ka sheegay noloshiisa hore oo ay ka mid tahay in uu ku andacooday in uu jeclaa ku biirista ciidamada laakiin shil baabuur oo curyaan ka dhigay awgii uu uga baaqday, iyada oo la sheegayo in shilka ka horba uu joogay oo aanu ciidamada gelin. Waxa kale oo lagu ogaa in uu baraha xidhiidhka bulshada ku faafiyo hadallo uu ku difaacayo hoggaamiyihii Yuhuudda laayey ee Jarmalka Adolf Hitler. Waxa kale oo jira in dumar kala duwani ay ku eedeeyeen dhaqan xumo dhinaca jinsiga ah. Laakiin guushiisa kaddib waxa uu jeediyey hadallo uu ku sheegayo in uu ku dhaqmayo siyaasadaha xisbiga si sax ahna u xambaarayo dhambaalka muxaafadka ah ee uu xisbigu u taagan yahay.

Dhinaca kalana farriin uu habeenkii doorashada madaxtinimada loo dareerayey ku faafiyey barta uu ku leeyahay Twitter ka ayaa uu ku hanjabay in xisbiga Dimquraaddigu uu guuldarraysan doono, “In badan ayaa ooyi doontaan Libaraaliyiintoow” ayaana ka mid ahayd farriintiisa.