Geeska Afrika Oo Waraysi Xiiso Badan La Yeeshay Qoraaga Ruushka Ah Mr Georgi

0
255

 

aoHargeysa, (Geeska)- Georgi Kaptchits, qoraa u dhashay dalkii Midowga Soofiyeeti ayaa cadeeyey inuu barashada luuqada Soomaaliga ka bilaabay jaamacad Moosko ah, ereygii ugu horeeyey soomaali maqalkiisana uu ahaa ereyga afoo laba macne leh.

 

Qoraa Kaptchits ayaa sheegay in af soomaaliga laga heli karo ilaa boqol kun oo maahmaahood, halka dalka Ruushku leeyahay shan boqol oo kun maahmaaho qoran, isla markaana cadeeyey inaanu akhriyi karin gabayada Soomaaliga, balse laftiisu ku gabyo af Ruush.

Georgi Kaptchits, oo haatan socdaal ku jooga caasimada Hargeysa uu kaga qeybgelayo carwada buugaagta, kuna soo bandhigay buugii ugu danbeeyey uu qoro Soomaalidu Been ma Maahmaahdo, ayaa wareysi gaar ah oo Geeska la yeeshay, jawaabahuu ka bixiyey u dhaceen sidan:

S: Ugu horeyn warbixin kooban naga sii taariikh nololeedkaaga iyo waxbarashada?

Waxaan ku dhashay dalkii la odhan jiray Midowga Soofiyeeti oo aan hadda jirin, hada waxa jira dal kale oo Ruushka la yidhaahdo, waxaan ku noolahay magaalada Moosko, sannadkii 1961kii ayaan arday ka ahaa jaamacada Moosko, halkaa ayaan ku bilaabay barashada af Soomaaliga, xaas iyo laba caruur ayaan leeyahay, iyo saddex caruur aan awoowe u ahay.

S: Xillima ayaad go’aanka barashada Af Soomaaliga qaadatay, sababta keentay maxay ahayd, ereygii kuugu horeeyey maqalkiisa af soomaaliga maxuu ahaa?

J: Hadda way igu adag tahay inaan soo xusuusto ereygaas, laakiin waxaan u maleynayaa  inuu ahaa ereyga afka la yidhaahdo, waxaan bartay in ereyga afku laba micno leeyahay mar waa afka wax lugu cuno marna waa af Soomaaliga. Sababta keentay waa caadi, markii hore waxaan baran jiray afka xabashiga, ka dibna waxa yimi nin laba sannadood iga weyn oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee dalkii Midowga Soofiyeeti ka bilaabay barashada afka Soomaaliga, markuu yimi ayuu yidhi yaa doonaya inuu ila barto afka soomaaliga, waxaan jeclaystay koox badan ayaan ku bilaabnay, laakiin intoodii kale kuma guulaysan, ninkaasi waxuu ahaa barafosoorkii weynaa ee Alexandar Roskof, waxaanu degan yahay dalka Maraykanka, nasiib daro waxaa ah inuu ka fogaaday baritaanka af soomaaliga, laakiin waxuu daabacay bug weyn oo naxwaha af soomaaligu, oo ah udub dhexeedka barashada af soomaaliga oo marmar lagu barto dalka Ruushka.

S: Buugaagta aad qortay waa imisa, buuga kun maahmaahood muddo intee le’eg ayaad qoraysay, dadka aad wax weydiisay intee ayey gaadhayeen?

J: Buugaagta aan qoray tiradoodu waxay gaadhayaan sided, buugii ugu horeeyey waxaan ku qoray kun maahmaahood iyo kow,immikana waxaan soo uruuriyey ilaa toban kun oo maahmaahood oo dad kala duwan aan ka wareystay iyo ilo hore loo daabacay, buugii ugu danbeeyey ee aan la imi carwadan buugaagta Hargeysa waxaa la yidhaahdaa Soomaalidu been ma maahmaahdo, oo ka kooban in ka badan afar kun oo maahmaahood oo aan xulay, la isku halayn karo kana helay ilaa toban illood.

S: Immisa ayaad filaysaa tirada Maahmaahaha af soomaaliga laga heli karo, sidoo kale af Ruushku immisaa la heli karaa?

J: Aqooonyahano badan oo ka hadalay waxay sheegeen in ilaa boqol kun oo maahmaahood laga heli karo af soomaaliga. Dalka Ruushku waxuu leeyahay shan boqol oo kun maahmaahood qoran.

S: Qoraalada ka sokow, xaga gabayada ma isku deyday, hal-xidhaalayaasha maxaad ka taqaan?

J: Sida runta ah af soomaaligu wuu adag yahay heerar kala duwan iyo marxalado badan ayaan soo maray xilligana baranayey, immika dhib iguma aha markaan akhriyayo ama aan wax qorayo, laakiin  ma tirin karo, ugumana dhawaaqi karo habka loogu dhawaaqo gabayada, waa heer sare aanan weli gaadhin,  inkastoo ay sidaa tahay haddana annigu waa gabyaa oo leeyahay gabayo afkayga Ruushka ah, waan jeclahay gabayada Soomaaliyeed, waxaan la saaxiibay dhowr gabyaa waaweyn, sida Hadraawi iyo Gaariye, wax badan ayaan akhristay gabayo hore ay tiriyeen, aad iyo aadna waan uga helaa.

S: Madaxweynaha Somaliland aqoon hore ma u leedahay, hadday haa tahay,  maxaad nooga sheegi kartaa?

J: Maya, anigu aqoon hore uma lihi Madaxweynaha Somaliland, waxaan hore ula kulmay maxadweynaha Puntland iyo Ka Soomaaliya Sheekh Shariif, oo ii sheegay labaduba siday u doonayaan inay xidhiidh wanaagsan yeeshaan dalka Ruushka. Laakiin madaxweynaha dalkan aan immika joogo ee Somaliland hore uma arag, inkastoo aan ogahay inuu yahay nin la doortay, oo sharaf leh, oo la aaminsan yahay.

S: Wada-hadalo ayaa muddo dheer ka dib u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya, fikirkaaga ma filaysaa in natiijo ka soo bixi doonto, marka loo eego fikiradaha Goosashada iyo Midnimada labada dhinac?

J: Runtii horta annigu marna ma farageliyo siyaasada jamhuuriyad, ma ihi qof ka faalooda siyaasada, aqoonyahan ayaan ahay, waxaan u guntadaa afka soomaaliga aan wax ka qoro, naxwaha, maahmaaha iyo sheekooyinka intaba. Dan iiguma jirto siyaasada, balse waxaan aaminsanahay inay dadka soomaaliyeed ku xidhan tahay habkii ay ku noolaan lahaayeen, hadii ay doonayaan midnimo waa dantooda, waa arrinkooda, hadii ay doonaan inay qolaba dhankeeda ku noolaato, sida Somaliland, Soomaaliya, ama Puntland waxba kama qabo, dantayda maaha taasi.

S: Muddadii aad joogtay caasimada Somaliland ee Hargeysa, sidaa u aragtay guud ahaan nolosheeda?

J: Waa markii labaad ee aan Hargeysa soo booqdo, hore waxaan u imi sannadkii 2001, wakhtigaa Hargeysa way burbursanayd sida xamar wakhtigan. Immimka way weynaatay, way balaadhatay, waxaa laga dhisay daaro waaweyn iyo hudheelo waaweyn oo casri ah, waxaan sidoo kale arkay buulal foolxun. Waxaaan arkay dad aan u haysan lahaa dabaqada dhexe, dad fiican oo isku kalsoon, oo ujeeda mustaqbalka wadan maal leh, waxaan sidoo kale arkay dad badan oo dhalinyaro u badan oo jidadka iska fadhiya oon shaqo hayn, taa waan ka xumahay, waayo waxaan jeclaan lahaa inay noqdaan dad shaqo leh, waxbarasho u leh mustaqbalka danbe, laakiin waxaan ku  kalsoonahay in Somaliland horumar la taaban karo kol dhow gaadhi doonto.