Beenayn War Saxaafada Qaarkood Kusoo Baxay

0
520

Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, oo ka masuul ah diiwaangelinta madaniga ahi, waxa ay si rasmi ah u beeninaysaa warka aan saalka iyo raadka midna lahayn ee uu dhowaan warbaahinta qaar mariyey ninka ku magacaaban xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Masuulkan oo ay ka muuqato xog la’aan iyo in aanu fahmin nidaamka shaqo ee farsamo ahaan ay diiwaangelintu u shaqaynayso, oo dabcan xisbiyada qaranku ka wada dharagsan yihiiin, waxa uu ku andacooday in ay luntay xogtii (DATA) magacyada ka bilowda A, B iyo C ee degmada Axmed Dhagax laga soo diiwaangeliyey.

Haddaba wasaaradda arrimaha guduhu waxa ay si adag u caddaynaysaa in sheegashadaasi ay tahay dacaayad rakhiis ah  oo khal-khal gelin karta ammaanka dalka, waxa aanay guud ahaanba ummadda u caddaynaysaa in aanay jirin wax lumay, dhowaanna muwaadiniinta is-diiwaangelisay dhammaantood la gaadhsiin doono kaadhadhka, taas oo ay hubaal tahay in ay si ficil ah u beenin doonto warkan been abuurka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka warwarsan khatarta uu leeyahay warkan been abuurka ahi waxa ay la xidhiidhay masuuliyiin ka mid ah xisbiga UCID, kuwaas oo caddeeyey in warkaasi uu yahay mid ku kooban ninka qoray oo keliya, xisbi ahaanna aanu si rasmi ah uga soo bixin, sidaa awgeed Wasaaradda arrimaha gudaha oo masuul ka ah amniga qaranku waxa ay ka digaysaa in warkaas xaalad abuurka ah aanu ahayn mid sidaas lagaga hadhi karo, ciddii sheegtayna sharciga dalka lala tiigsan doono si ay u caddayso warkan ama tallaabada ku habboon ee sharciga ah loo mariyo.

Ibraahim Macallin Aadan

Maamulaha diiwaangelinta Madaniga ah ee wasaaradda arrimaha Gudaha