Saami Qaybsiga Shaqaalaha Dawladu wuxuu Burinayaa Xeerkii Shaqaalaha (Low No.7): C/raxmaan Cadami

0
541

Picture1Xukuumada Somaliland waxay la daala dhacdaysaa shaqo la’aan baahsan iyo nolosha dadweynaha oo sii adkanaysa sidaa awgeed waxay xal mooday in sanad kasta miisaaniyada lagu daro tiro shaqaale ah oo hor leh, waxayna se xukuumadu is waydiin laba su’aalood oo muhiim ah:-

1.     Tirada la qaadanayaa wax ma ka tari kartaa kumanaan kun dhalinyaro ah ee ka soo qalin jabiya jamacadaha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

2.     Shaqaalaha la qorayo shaqadu ama wasaaradu ma u baahan tahay?

Haddii aan lays yeelyeelahayn jawaabtu waa maya.

Haddii aan laysku jaan goyn ama laysku sar jarin baahida wasaaradaha iyo shaqalaha ka hawl-geli kara xalkii lama helin balse waxa la abuuray dhibaatooyin kale oo hor leh, Shaqaalaha la xad dhaafiyaa wuxuu saamayn xun ku yeeshaa kobaca dhaqalaha, waxay khalkhaliyaan nidaamka hufan ee xafiisyada, waxa ku luma masuuiiyadii iyo kala xadayntii qaybaha wasaarada markii ay xafiisyadii buux dhaafiyeen waxad arkaysaa shaqaalihii oo dhex joog jooga xayndaabka wasaaradaha ama fadhiya makhaayadaha shaaha laga cabo ee ku dhow goobta shaqada.

bal aynu wadagno badhitaan ka dib warbixin laga  qoray xaalada shaqaalaha qaar ka mid ah dalalka Africa.

War-bixintu waxay leedahay waxa la arkay hal “type writer ama Computer”  oo loo qoray saddex shaqaale ah ama hal baabuur oo lagu shaqaaleeyay toban darawal ( In some departments you found three typists employed for one type writer or ten drivers for one vehicle).

Si shaqo la’aanta loo yareeyo ama fursado badan loo abuuro dawladuhu waxay xooga saaraan in privet secter-ka la xoojiyo iyo in maal-geshiga caalamiga ah la dhiiri geliyo laakiin siyaasada maal geshiga xukuumadu waxay u eeg tahay hadal afka  laga yidhi oo aan uurka jirin  sababta oo ah ma aragno dedaal lagu abuuraayo jawi soo jiidan kara shirkadaha waawayn ee maalgashiga sameeya.

Waxaynu og nahay in shirkado somliland danayna inay  dalka yimadeen hase yeeshee daraasad iyo indho-indhayn ka dib aanay dib ugu soo noqon markii ay dhiiri-gelin iyo soo dhawayn ficil ah ka waayeen xukuumada . Si kastaba ha ahaatee shaqaalihii hore oo waxay kala qabtaan wayay ayaa waxa miiska saaran ( 1,422) oo Shaqaale cusub ah.

Nin baa waxa laga sheegay “ Timirtii Horeba Dab Loo Waa” .

Waxa ka sii daran oo la xaqiijinaya in madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuud amar ku bixiyay in shaqaalaha sanadkan la qadanayo lagu qaybiyo si saami qaybsi ah ama beelaysan.

Hadaba haddii amarkan laga dhabeeyo wuxuu burinayaa xeerkii shaqaalaha dawlada ( Civil Service law No 7) oo dhigaya in imtaxaan iyo tartan loo galo jagooyinka ka banaanada hay’adaha Dawlada, waxa iyana gabi ahaanba meesha ka baxaya ujeedadii iyo mandate kii Hay’ada Shaqaalaha Dawlada.

Maxaa loo aasaasay Hay’ada shaqaalaha? Shaqaalaha waxa si madax banaan u qoran jiray wasiirada taasina waxay keentay in la qaato shaqaale aad uga tiro badan intii loo baahnaa oo hadana tayo xun iyo inay u bataan qabiilka wasiirku ka soo jeedo sidaa daraadeed madaxweynihii hore marxuum maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu dhisay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada si ay ula wareegto awooda shaqo qorista iyaga oo ka jawaabaya codsiga iyo baahida wasaaradaha laakiin maanta waxa cad in wasiiradii xukuumada kulmiye si dad badan oo xeeldaysan u soo ceshadeen awoodii shaqo qorista shaqaalaha iyo sidii ay bari ahaan jirtay, waxay qortaan dad gaar ah oo ay iyagu rabaan oo loogu yeedho ku mel g aadh ama (Temporary) ka dibna waxay Hay’ada Shaqalaha kula doodaan in ay muddo dheer kula shaqaynayeen tabaruc oo ay xaq u leeyihiin in laga dhigo shaqaale rasmi ah iyagoo daadifaynaya xaqa muwaadiniinta kale.

Dabcan Hay’ada Shaqaaluhu waxay u nuglaatay wasiirada awooda badan ee sida ay doonanba u dhaqma markii ay waayeen taageeradii madaxweynha oo ay hoos timaado sidaa soo kale waxa la qaba hay’ado kale oo iyagana laga dul talaabsaday.oo shaqadoodii laga maamulo meelo kale sida Hay’ada Qandarsyada Qaranka, Hanti-dhawrka Qaranka, Hay’ada La Dagaalanka Musuq-maasuqa, Xisaabiyaha Guud iyo qaar kale.

Madaxweyne haddii aad dareentay ama ay kuu cadaatay in shaqalaha loo qoro si cadalada ka fog ama aad ogaatay in beelaha qaar la dulmay maxaad wax uga qaban wayday raga masuulka ka ah musuq-maasuqa qorista shaqalaha dawlada, adiga oo aan xeerka jabin.

Mudane Madaxweyne Ummadu kaa aqbali mayso in aad afar sanadood iyo badh ka dib ku hambabarto ama aad ku baraarugto in si eex iyo qaraabo kiil ah lagu qoro shaqalaha dawlada Somaliland .

C/raxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com