Dr. Xuseen Xoog Muxuu Ka Yidhi Is Barbardhiga Xukuumadda Silanyo Iyo Xukuumadii Hore Ee Rayaale?

0
519

Picture2Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr:Xuseen Muxumed Maxamed(Xoog), haddana ka mid ah Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii hore ee uu Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa iyo Xukuumadda taladda dalka hadda haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siillaanyo.

Dr:Xuseen Muxumed Maxamed(Xoog), ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynuhu ka gaabiyey inuu si deg deg ah uga jawaabo tabashadii Odayaasha reer Awdal, oo uu sheegay inay muddo kooban oo ku siman ilaa Todabaad ku qaadanaysay, balse ay ayaan daro tahay inaanu ilaa hadda ka jawaabin.

Dr:Xuseen Muxumed Maxamed(Xoog), oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada la filayo inay Sannadkan dhacdo. “Walaahi marka aynu Runta eegno meel xun mari mayno oo waxa aynu nahay Qaran dhisan, oo Hay’addihiisi wada shaqaynayaan, haddana sidii aynu doonaynay, wax uma wada jiraan, oo galdalooliyin wey muuqdaan, haddii ay tahay halka isku wadka dadka iyo midnimadii Beelaha Somaliland, xooga dhaawac ayaad mooda inay soo gaadhay, haddii ILLAAHAY yidhaahdo waan ka soo kaban doonaa, laakiin arirnta Awdal weynu aragnaa inay wax ka yar jireen, oo dhaq dhaq tabasho ahi uu jiray, oo ay suurtagelisay inay ka faa’iidaysteen dad muraad kale leh oo tabashadii dadka ku soo gabaday, wali xagii Barriguna ma dhamaystirna oo weynu ognahay, hawlahaasina waa hawlaha wali qabyada badani ay ka muuqato”.

Dr Xuseen Xoog ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anigu waxa aan dareen badan ka qabaa iska Dawladda iska warhaynteeda iyo daba-galka hawlaha Qaranka, oo sidii la doonayey oo ahayd in isha lagu hayo sida ay u socdaan in runtii aan isha loogu haynin, waxaad mooda inay socdaan wax shaqsi oo qofku inoo wax wanaajiyo iyo inuu wax xumeeyo inay isaga ku xidhan tahay, laakiin isku xidhkii iyo raqaabadii uu qof kasta oo Masuul ahi uu baqaheeda yeesho waxa aad mooda inay wax ka dhiman yihiin oo qof kastaaba sida uu doono wax u wado”.

Dr Xuseen Xoog oo wax laga weydiiyay  sida uu u arko Doorashada ayaa yidhi “Doorashooyinka inay wakhtigooda ku dhacaan waa mid la doonayo, Umadda doonaysa, Xisbiyada Mucaaradka doonaya, Madaxweynaha ayaa doonaya sida aynu afkiisa ka hayno, laakiin sida ay wax u socdaan waxa aad mooda inay aanay suurtagal ahayn inay wakhtigeedii ku dhacdo, sababtoo ah Xeerka uu Barlamaanku ansixyey ayaa fursad u siinaya in xooga dib u dhaci dhaco, maxa yeelay waxa la leeyahay marka diiwaangelinta cod bixiyayaashu dhammaato lix bilood kadib ayaa Doorashada la qabanayaa, markaas waxa ay ahayd in wakhtigooda Doorashooyinku ku dhacaan, Xisbiyada Mucaaradkuna sidaas ayey rabaan, waxaana runtii muuqata caga jiid badan oo muuqda xittaa marka aad eegto Xeerka uu Barlamaanku ansixiyey in Doorashadu wakhtigii loogu talagalay ay ku dhacdo, laakiin waxa ay aniga ila muuqata in sida ugu suurtagalsan ee loogu talagalay inay Doorashadu ku dhacdo inay ku haboon tahay inay Doorashadu ku dhacdo, Dawladda taladda haysa iyo Madaxweynuhuna inay ka hawlgalaan inay hawsha la dadajiyo oo haddii ay June ku dhici weydo in sida ugu suurtagalsan ee ugu dhaw inay ku dhacdo”.

Dr Xuseen Xoog ayaa mar aanu wax ka weydiinay tabashada reer Awdal ee ilaa hadda aanu Madaxweynuhu ka jawaabin ku jawaabay “Waxaan u arkaa in arintani tahay arin si dhib yar inoogu fiday, mana ahayn arinta Tabashada arin munaasib ah inay intaas gaadho, waxa aan u arkaayey haddii ay ugu badan tahay inuu Madaxweynaha u suurtageli lahayd inuu yidhaahdo hudheelka iigu jira aniga ayaa martidiina iyo kharashkiina qaba, Todoba Cisho isagu haba tagina Boorama, oo Todobadaas cisho inuu Madaxweynuhu urursado wixii macluumad ah ee ka maqan, dabadeed uu go’aan shaafiya uu ka soo saaro, haddii laga maarmi waayana inta uu anbabaxiyo haba badsadee uu yidhaahdo bil isuga oo bil kadib wixii macluumad ah ee ka maqan inta uu urursado uu Madaxda quseeyso iyo Hay’adaha ku shaqada leh dabadeedna uu jawaab shaafiya ka bixiyo, ayey runti ahayd, waxaana runtii qaba dadku waxa ay ka cabanayaan inay wax ka jiraan,oo waxa aad mooda in Beesha dhexe wax kala jiidanayso, Beelihii darafyaduna ay soo eegayaan, waxayna ahayd in runtii wax laga qabto”.

Dr Xuseen Xoog ayaa la weydiiyay inuu isbarbar dhig ku sameeyo  Xukuumaddii hore iyo Xukuumaddan ayaa yidhi “Anagu waxaanu ahayn Mucaaradkii ka soo horjeeday Dawladdii Daahir Rayaale markaas hore, taanu kaga soo horjeedno in waxqabadkeedu liito, inay cabudhin badan wado, inay xoriyatul qawlka ka soo horjeedo, waxa aad moodaysa wixii aanu kaga cabanaynay wakhtigii aanu Kulmiye ahayn inay ka sii dartay mooye in aan qodobna laga dabcin, haddii ay tahay xaga arimaha gudaha, macaamilka Saxaafadda, wada lahaanshaha Dawladnimada tusaale ahaan Warbaahinta Qaranka waxa ay ahayd runtii waxa aanu ka cabanaynay inay Dawladdu badasho markii ay kursiga timid,laakiin may dhicin, oo waxa ay noqotay Dawladdii oo xagii UDUB fadhiistay oo waliba ka caban ka gacan kulul, iyo Mucaaradkii oo xagii KULMIYE fadhiistay, oo ka afgaaban, kana gacan qaboow, intaas ayuunba is badashay”.

Dr Xuseen Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey xidhiidhka isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeya ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa Madaxweynaheenii, aniga shaqsiyan ixtiraam iyo sharaf ayaa naga dhexeeysa, haddii aananydanta Qaranku kelifnaynin in aan ka hor imaado, kamaan hor yimaadeen, ixtiraam iyo sharaf ayaa naga dhexeeysa, oo wixii ahayd inuu qabto ama inuu wanaajiyo, gaar ahaan xagga maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo bandhignaanta dadka reer Somaliland, waxa la qabanayo iyo kharashka la isticaalayo iyo sida loo isticmaalayo in loo bandhigo, oo dadku la xisaabtanka yeeshaan, oo dawladdii ay doorteene, in musuqa lala dagaalamo, oo u adkaysiga ay u adkaysanayso Dawladdani inuu Siiro noqdo, waxa ay ahayd waxyaabaha aanu markii hore ku fikiraynay ee aan runtii dhicin, Wadankan oo aan Ictiraaf haysanin, oo aan wax soo saar haysanin oo aan dhaqaale badn haysanin, in wax ugu badan ee uu baahan yahay in dagaalka kowaad lagu qaado in Maamul wanaag la sameeyo iyo dawlad wanaag la sameeyo, ayaa keliftay in aanu iska hor nimaadno, ee laba shaqsi oo xumaani ka dhexeeyso, oo colaadi dhexmartay wanaag mooye, ma nihin,waa Madaxweynahaygii Sharaf iyo karaamana waan u hayaa”.