Bas Hudheel Cunto Ah Oo Dhex Wareegaya Waddooyinka Waaweyn Ee Magaalada Paris, Caasimadda Faransiiska

0
591

Paris (Geeska)- Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska waxaa laga furay hudheel cunto oo ah heerka saddexaad ee afka qalaad lagu yidhaahdo 3 Star, kaas oo ah bas wareegaya waddooyinka waaweyn ee magaalada, hudheelkani waxa uu iibinayaa cuntooyin aad u sarreeya, waxaana loogu talogalay in macaamiishu inta ay cuntada cunayaan ay ku raaaystaan muuqaallada quruxda badan ee caasimadda.

Cuntokariyaha hudheelkan wareegaya oo lagu magacaabo Bernard ayaa cuntooyinkan ku dul diyaarinaya qayb isla baskan socda ka mid ah oo u diyaarsan qaabka kijada. Mulkiilaha hudheelka oo la hadlay warbaahintana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu macaamiishayada ka iibinnaa cuntooyin qado ah oo afar nooca. Cashada aanu iibinnaana waxa ay ka kooban tahay lix nooc o okala duwan oo dhammaantood ah cuntooyinka dhaqanka ah ee dalka Faransiiska” Mulkiiluhu waxa kale oo uu intaas ku daray in hudheelkoodan baska wareegaya saarani uu bil iyo badh kasta mar beddelo liiska cuntooyinka uu sameeyo oo uu qaar cusub ku soo daro, kuwo horana wax ka beddelo.

Baskan hudheelka ah ayaa gudihiisa si aad u heersarraysa loogu diyaariyey hawsha uu qabanayo, tusaale ahaan miisaska lagu cuntaynayaa waa qaar farsamadoodu aad u sarrayso oo aan la lulmayn dhaqdhaqaaqa iyo dheel-dheelliga socodka baabuurka iyo jidka ka imanaya, si looga taxaddaro in cuntada iyo alaabada kale ee dul saarani ay daadato, sidoo kale waxaa miiska dushiisa lagu diyaariyey weel si gaar ah u farsamaysan oo lagu dhex ridayo koobabka cabbitaannada cuntada la socota lagu shubayo si aanay u daadan.

Mid ka mid ah macaamiisha baskan hudheelka ah ku dul cuntaysay oo warbaahinta la hadashay ayaa aad u ammaantay hudheelkan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Aad baan ula dhacay fikirka lagu aasaasay hudheelkan, intii aanu cuntaynayna waxa aanu aragnay meelaha quruxda badan ee Paris, waxa aanan aad ugu raaxaysannay dhadhanka cuntada ee aadka u macaan. Hudheelkani waxa uu magaaladak aga wareegayaa meelaha aadka u quruxda badan ee ay naftu daawashadooda ku mashquulayso inta ay cuntada cunayso ama sugayso, sidoo kale waxa uu hudheelkani ogol yahay in qofka u baahan in uu munaasabad gaar ah ku qabsado hudheelkan wareegayaa uu gebi ahaantiiba kiraysan karo saacadaha uu u baahdo oo uu isaga oo keliya u xidhnaan doono.