Lacago Ay Saygeeda Muddo Ka Xadi Jirtay Ayaa Ay Guri Qarsoodi Ah Ka Dhisatay, Markaasay Maxkamadda U Sheegtay In Hinaase Ku Kallifay Tuugada

0
647

Nuwakshot (Geeska)- Sida ay sheegeen ilo ka agdhow garsoorka dalka Mauritania, Booliiska dalkaas ayaa maxkamadda u gudbiyey dacwad la xidhiidha muwadinad reer Mauritania ah oo ninkeedu uu ku eedeeyay Tuugo. Ninka kiiska ku soo oogay xaaskiisa ayaa ku dooday in ay ka xadday lacago fara badan oo ku jiray khasnadiisa kaydka oo ay la ogaaday furayaasheeda.

Ninkani waxa uu dacwaddiisa ku sheegay in xaaskiisu ay muddo dheer, marba in yar oo lacag ah kala bixi jirtay khasnadda iyo marar badan oo kale oo ay jeebkiisa kala bixi jirtay. Waxa uu sheegay in marar badan oo uu dareemay in ay wax ka maqan yihiin, markii uu u sheegay, gaar ahaan in uu waayey lacago jeebkiisa lagala baxay, in aanay ka warhaynin. Marar kale waxa ay eedda saartay dumarka guriga ka shaqeeya in ay ka shakiday. Halka ay marna sheegtayba in isaga oo shaqada ku maqan uu tuug guriga yimi oo uu xoog kaga qaaday lacag guriga taallay.

Sida uu warku sheegayo ugu dambayntii Gabadh ay saaxiib ahaayeen gabadhan tuugada lagu tuhmay ayaa markii dambe fashilisay warkeeda, kadib markii ay ninka u sheegtay farsamooyinka ay gabadhani ku xaddo lacagta. Arrintan ayaa qarxisay mushkilad aad u wayn iyo dagaal dhex maray ninkan iyo xaaskiisa.

Sida uu ninkani ku dacwooday xaaskiisu lacagihii ay ka xadaysay oo ay urursatay ayaa ay si qarsoodi magaalada caasimadda ah ee Nawakhshot uga dhisatay dhisatay guri u gaar ah.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in gabadhan oo bilowgii dafirtay eedaha ninku u soo jeediyey, in baadhitaannadii bilayska ay ugu dambayntii ku qiratay tuugadan, waxa aanay sheegtay in sababta ku kalliftay ay tahay bakhaylnimo badan oo ay ku aragtay saygeeda iyo iyada oo weliba ku tuhuntay in uu si qarsoodi ah ugu xidhan yahay dumar kale.