Dumarka Iyo Kaftanka Googooska Geeska

0
1992

1. Gabadhu marka ay doonayso in ay qaadato shay uu ninku siinayo waxaa lagu gartaa in ay codka hoos u dhigto, laakiin haddii ay kor u hadasho ogo in aanay waxba ka rabin ama ka qaadanayn.

2. Haddii aad rabto in gabadha aad ku riddo diiqad iyo waalli nafsi ah, maalin dhan uun ka ilaali in aanay mar keliya muraayad isku eegin.

3. Dumarku waa sida shinnida oo wanaaggoodu waa malabka, xumaanteeduna waa qaniinyada xanuunka kulul ee shinnida oo kale.

4. Marka ay gabadhu maqasho ammaanteeda indhaha ayaa ay isku qabataa si ay u dhuuxdo ereyada macnahooda, uguna raaxaysato… Laakiin sidoo kalana marka talada la siinayo waxa ay jeceshay in ay indhaha isku qabato, si ay u seexato, waayo talada ma jecla.

5. Nin bakhayl ah ayaa soo iibsaday saddex xabbo oo liin macaan ah, xabbadii koowaad ayaa kuu jeexay markaasuu arkay in ay qudhun tahay, tii labaad ayaa uu jeexay markaasu arkay in ay qudhuntay markaasu iyadiina tuuray, kadib inta uu kacay Laydhkii qolka si aanu u arag xabadda saddexaad in ay qudhuntay iyo in kale.