Ogaysiis: Bandhigga Buugga Gurrac Qoraaga Buugga Khadar Cabdi Cabdillaahi

0
670

1Buugga Gurrac, oo ah sheeko-faneed ku salaysan guud ahaan nolosha Soomaalida, dal iyo dibadba, gaar ahaan ta Soomaalilaan oo uu qoray qoraaga reer Somaliland ee Khadar Cabdi Cabdillaahi, ayaa dahfurkiisa lagu qabanayaa Hargaysa. Bandhiggu waxa uu ka dhacayaa xarunta Dalladda SONYO habeen dambe oo taariidu tahay 09/09/2016. Waa maalinta jimcaha, habeenka sabtidu soo galayso, toddobada iyo shan iyo afartan. Buugga Gurrac, waxa si farshaxannimo ah sawirayaa, waaqica nololeed, siyaasadeed, dhaqan, dhallinyaro iyo bul ahaan ee maanta lagu nool yahay, qurbaha iyo qolqolkaba. Tidhig lagu gali maayo oo cid kasta wuu u furan yahay bandhiggu. Ka soo qaybgal wanaagsan.