Baro Caadooyinka Taban Ee Ay Tahay In Aad Iska Deyso Inta Aanay Da’daadu 35 Sano Jir Dhaafin

0
861

Hargeysa (Geeska)- Qofku qaladaad badan ayaa uu gala inta uu nool yahay, inta badanna qaladaadkaasi waxa ay raad taban kaga tagaan caafimaadkiisa jidheed iyo ka nafsadeed labadaba, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in ay saamayn ku yeeshaan dadka ku xeeran.

Qoraaga Yana Yakovenko oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa ayaa maqaal ay dhowaan ku faafisay shabakadda FPR waxa ay ku tirisay caadooyin ay sheegtay in ay ku fiican yihiin in qofku uu joojiyo inta aanu gaadhin da’da 35 sano jirka, waxaana ka mid ah:

Riyada iyo dunida mala-awaalka ah

Dad badan ayaa diida riyada iyo mashquulka caalamka malo-awaalka ah, iyaga oo u arka in aanay wax faa’iido ahi ku jirin. Laakiin dadkaasi waxa ay ka jaahil yihiin in riyada iyo niyeysigu ay kaalin muhiim ah ka qaataan dhismaha shakhsiyadda qofka.

Waxaa intaas dheer in qofku haddii uu dadaalkeeda la yimaaddo uu awoodi karo in uu inbadan oo riyadaas ka mid ah u rogo xaqiiqo la taaban karo. Marka ay sidaas tahayna riyada noocan ahi waxa ay raad togan ku yeelataa nolosha shaqo iyo xirfadeed ee qofka iyo xitaa shakhsiyaddiisa. Qof aan riyo lahayn waa ay ku adag tahay in uu garto galdalooladiisa iyo meelaha uu u xooggan yahay, mana yelean karo yoolka noloshiisu bartilmaameedsan karto. Inta aanad 35 sano jir gaadhin jooji dhaqanka ah in aad iska ilaaliso riyada nolosha.

Hurdada Cashada ka hor

Hurdada habeenkii ee waqtiga cashada ka horreysaa waxa ay leedahay caawaaqi taban oo tiro badan. Ha ku dagmin aragtida beenta ah ee ay dadka qaar ku sheegaan in hurdada waqtigaas ahi ay jidhka u kordhiso tamar. Waxa aanad ogaataa xaqiiqada ah in hurdada waqtigaas la seexdaa ay kordhiso cadaadiska nafsadeed ee qofka, raad aan fiicnayna ku yeelato dareenka saacadeed ee abuurka ah oo Alle ku abuuray maskaxda si ay ugu jaangoyso hawlaha shaqo ee jidhka qaybihiisa.

Mar kasta oo ay qofka da’ u korodho waxa ku sii bata dareenka daalka oo toddobaad kasta bilowgiisa la kowsada. Waa muhiim in qofku uu yeesho jadwal go’an oo uu fulintiisa kudadaalo, taas oo jaangoyn u ah waqtiyadiisa cuntada iyo xilliga hurdadiisa. Waxa ay taasi caawisaa nidaaminta hawlaha shaqo ee qaybaha jidka mid kasta u gaarka ah.

Ka fogoow khilaafaadka: Muranku sidiisaba waxa uu ka mid yahay caadooyinka foosha xun ee dila xidhiidhada uu qofku bulshada la leeyahay. Laakiin dadku waxa ay marar badan isku qaldaan muranka iyo doodda, in qofku uu ka dareen celiyo waxa uu diiddan yahay ayaa mararka qaarkood muran loo fahmay. Waxa se la ogaaday in haddii aad ka dheeraato ka dareen celinta waxa aad diiddo in ay nafta ku yeelato raad taban oo caafimaadka nafsiga ah. In qofku uu dood iyo muran ka soo celin waayo waxa uu qabaa, waxa ay ku abuurtaa cadho daran iyo ka xumaanshiyo laabtiisa guba oo ku sii kordhinaya uun culayska.

Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay ku talinayaan in ay qurux badan tahay in si deggen looga dareen celiyo qofka habdhaqankiisa ama hadalkiisu aanu ku raalligelin. Laakiin waxaa la ogaaday in dareencelinta oo baraha bulshada la mariyaa sida muddooyinkan dambe inta badan dhacdaa waxa ay keentaa khataro kale oo bulsho iyo nafsadeed, sidaa awgeed haddii aad 35 gaadhay ka dheeroow in aad baraha bulshada ee Internet ka ku faafiso dareen iyo ficil kasta oo aad dood diidma ah ka qabto, taas beddelkeeda raadi in aad si maangal ah toos dadka dood ugala yeelato.

Uur ku taallada: Inta badan waxa aynu illownaa in dhammaan arrimaha raadka taban ee nasiga ah innagu reebaa ay dhibaato ku keenaan jidhkeena. Uur ku taallada arrimo badan ayaa sababa, yasid uu qofku kala kulmo bulshada ku xeeran, ama diiqad iyo cidhiidhi gaar ah oo la saaro ayaa ka mid ah.

Uur ku taalladu waxa ay burburisaa nafsadda iyo shakhsiyadda qofka, waxa aanu ka hor istaagaa in uu ku raaxaysto noloshiisa. Inta aanad da’da 35 gaadhin ku dadaal in aad ka bogsato wixii culays ku keenaya naftaada oo dhan.

Maamul xumada maaliyaddaada: In qofku uu awoodi kari waayo maaraynta iyo maamulka kharashaadka uu galayo iyo is waafajinta dakhliga iyo kharashku waa dhaqan fiican in uu ku joogsado inta la da’ yar yahay. Caadaysiga maamul xumada maaliyaddu waa dhaqan qofka qabatima ay ku adagtahay in uu joojiyaa. Ku dadaal in aad yari ku barato maamulka maaliyadda. Wixii maamul xumo maaliyadeed kaaga jiraana yaanu kula soo dhaafin da’da ka horreysa 35 sano jirka.

Fadhiiso oo xisaab cad u samee dakhliga ku soo gala iyo kharashaadka kuu yaalla ee ay tahay in aad joogto u daboosho, sida oo kale qiyaas kharashaadka kadiska ah ee aad bil kasta qaadi karto, adiga oo ku salaynaya dakhligaaga. Madhxiska baro, naftana u diyaari in ay kayd yeelato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here