Madaxweyne Biixi Oo Ka Dalbaday Xisbiyada Mucaaradka Iyo Golaha Guurtida Inay Soo Gudbiyaan Magacyada Xubnaha Guddiga Cusub Ee Doorashada

0
749

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday in la soo dhiso guddiga cusub ee doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi ayaa 25 august wuxuu qoraal u diray golaha guurtida iyo labada xisbi mucaarad, isagoo ka dalbaday inay u soo gudbiyaan xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka qaranka, “Si waafaqsan” ayuu yidhi xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanka xeer lr 20/2001.

Guddiga doorashada ee wakhtigan xilka haya ayaa wuxuu muddo xileedku kaga eegyahay bisha November ee sannadkan. Lama oga jawaabta ay weli ka bixiyeen xisbiyadu dalabka Madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here