Whatsapp Oo Bilaabay Adeeg Suurtagelinayo In Hal Mar Dad Badan Wax Loo Diro, Mid Kasta Gaarkiisa

0
1009

Washington (Geeska)- Shabakadda caanka ah ee xidhiidhka bulshada ee ‘WhatsApp’ ayaa bilowday adeeg cusub oo qofka u suurtagelinaya in uu dad kala duwan hal mar u wada diro farriin, iyaga oo aanu dadkaas midkoodna kan kale ka warhaynin, sida ‘WhatsApp Group’ ka. Waa hab ilbidhiqsiyo gudood uu qofku dad aad u tiro badan ugu gudbin karo farriin isku mid ah, laakiin mid kastaa u qaadanayo in ay kelidii ku socoto. Tusaale ahaan marka uu qofku doonayo in uu dad kala duwan hal mar arrin ku wada wargeliyo, isaga oo mid kasta u muujinaya in uu kelidii farriinta u soo diray, ama uu yahay qofkii uu ugu hor diray.

Adeeggan oo loo yaqaanno ‘Broadcast’ dadka badankoodu kama warqabaan jiritaankiisa ama muhiimaddiisa. Sida uu ku warramay wargeyska ‘The Sun’ ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, adeeggani waa xeelad ka fiican sheekooyinka wadareed ee dadku ku wadaagaan kooxaha ‘WhatsApp’ gudahooda laga samaysto.

Halkee adeeggan laga heli karaa

Haddii taleefanka aad isticmaashaa uu ‘iPhone’ yahay, si aad adeeggan u isticmaasho, waxaa keliya kugu filan in aad furto barnaamijka ‘WhatsApp’  ka, kaddib guji liiska dusha sare ee ‘Boradast Lists’ marka aad hoos u raacdo waxa aad arkaysaa calaamadda sheekaysiga ‘Chats’ kaddibna guji ‘New  braodcast’ waxa uu kuu soo saarayaa liiska dadka aad ka xidhiidhana ‘WhatsApp’ ka si aad uga dhex doorato kuwa aad doonayso in aad farriimahan kula xidhiidho.

Haddii taleefanka aad isticmaalaysaa uu yahay ‘Android’ waxa aad furtaa ‘WhatsApp’ ka, kaddibna inta aad liiska xagga sare ka soo furto waxa aad gujisaa ‘New Braodcast’ kaddibna liiska magacyada ee kuu furma ka dooro kuwa aad doonayso in ay farriimahaaga helaan. Waxaa kuu samaysmaya liis cusub oo ah dadka aad u dooratay in hadda kaddib ay farriimahaagan si gaar gaar ah u helaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here