Baro Caadooyinka Taban Ee Ay Tahay In Aad Iska Deyso Inta Aanay Da’daadu 35 Sano Jir Dhaafin

0
986

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii ka warramaysay caadooyinka ku wanaagsan in qofku uu iska joojiyo inta aanu 35 sano jir dhaafin:

Naftaada ood jeclaan weydo

Waa ceeb in qofku uu noqdo danayste naftiisa uun ka fikira, laakiin ogow dhinaca kalana in naftaada oo aad jeclaataa ay muhiim u tahay quruxda iyo dhammaystirnaanta noloshaada, iyo xitaa guulaha aad jeceshay in aad gaadho. Haa, in aad miisaanka saayidka ah la dagaalanto, in aad quruxdaada jidheed iyo xaragada labiskaaga wanaajiso iyo in aad caafimaadkaada ka shaqaysaa waa naftii oo aad jeclaatay, waana jacayl loo baahan yahay oo aanad la’aantii nolosha sida ay tahay ugu raaxaysan karin.

Inta aanad 35 jir dhaafin iska jacaylka nafta ee danaystenimada, xaasidnimada iyo dadka kale hayntooda oo aad eegtaa ay ka mid tahay. is bar in aad ceebahaaga oo dabcan badan, kaga mashquusho eegmada ceebaha dadka kale. Iskana jir adiga oo da’dan gaadhay in ay weli kugu sii jirto dabeecad ah u quudhi waa aad eegto waxa saaxiibkaa haysto ama guusha uu gaadhay adiga oo ka xun.

Xidhiidh dhammaaday ha ku sii dheggenaan

Xidhiidhku waa u muhiim caafimaadka iyo farxadda nolosha, xidhiidh fiican oo aad la yeelato lammaanahaaga, qoyskaaga, saaxiibkaa iyo guud ahaan bulshadu waxa ay u fiican tahay noloshaada, halka gooni joogga iyo faquuqnidu ay khatar ku yihiin nolosha.

Laakiin ha ka baqan keli joogga, adiga oo wehel la’aan ka cabsanaya ha isku sii dhejin xidhiidh aad ogtahay in uu fashilaad ku dambaynayo. Ogoow inta uu ku yeelo xidhiidh aanad raalli ka ahayn iyo dhaawaca caafimaad ee uu ku gadhsiiyaa marnaba kama badanayo dhaawaca keli joognimadu ku gaadhsiiso.

Xidhiidh aad ogtahay in aanu waarayn, ama xitaa madow kaaga jiro mustaqbalka halka uu ku dambaynayo, waxa aad ka qaaddaa niyadjab joogto ah, iyo murugo aan dhammaan oo noloshaadu ku jirto. Inta aanad 35 sano jir gaadhin dhinac isaga tuur cabsida kelinimada, oo jooji xidhiidh kasta oo aanad hubin in uu guul ku dhammaanayo, kuna dadaal in aad bilowdo xidhiidho, qaddarka Alle ayaa og ee aad adigu is leedahay waad hubtaa in ay jidkii guusha ku socdaan. Xanuun maalmo aad u adkaysato iyo marxalad murugo leh oo aad maalmo kaga gudubto ayaa ka fiican murugo iyo calool xumo aad la noolaato xilli aanad waxba ka qaban karin, dhaawacna naftaada iyo caafimaadkeeda ay ku yihiin.

Shaqo ku magaag

Haddii aad aragto qof shaqada ku magaagsan, oo aan jeclayn in uu nolol kale yeesho, ama waqti kale oo firaaqo ah samaysto, ha moodin shaqo jacayl iyo karti badnaan, balse u aqoonso xanuun ay tahay in la daweeyo. Saacado badan oo aad shaqada joogto macnaheedu ma’aha in aad shaqo badan qabatay, waanay dhacdaaba qof waqti kaas ka yar shaqada geliyaa in uu kaa waxsoosaar bato.

Waxsoosaarka badani waxa uu ku yimaaddaa arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo waayoaragnimada aad u leedahay shaqada aad qabanayso, xeeladaha shaqo gudasho ee aad leedahay iyo hannaanka aad shaqada qabashadeeda u marayso, dhugmada iyo soo jeedka maskaxdaada, xaaladdaada nafsiga ah iyo niyadda aad shaqada u hayso, caafimaadkaaga jidheed iwm. Markaa ku dadaal in aad arrimahaas saxdo, shaqadana aad u samayso nidaam hawlgudasho oo aad raaci karto.

Waqti badan oo aad shaqada ku qaadata awaxa uu keenaa cadho badnaan, dulqaad yaraan, sakati iyo qulub nafta ku abuura xasilooni darro. Ku dadaal in aad fasaxyo joogto ah yeelato maalmo toddobaadka ka mid ah iyo sannadkiiba. Inta aanad 35 sano jir dhaafin naftaadana bar in ay mararka qaarkood ka fikirto wax aan shaqada ahayn ama nolosha kale ee kugu xeeran iyo waayaha qoyskaaga. Ku dadaal in aad yeelato jadwal shaqo iyo nidaam shaqo oo isaga oo aan dhaawac caafiamad kugu keenin waxsoosaar yeesha. Dhammaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here