Is Xamaynta Hooyada Ilmaha Jaqsiisaa Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Ilmaha Iyo Hooyadaba

0
866

Berlin (Geeska)- Xidhiidhka wacyigelinta caafimaadka ee dalka Jarmalka ayaa ka digay in hooyada ilmaha jaqsiisaa ay samayso is xamaynta miisaanka lagu dhimayo. Waxa aanay ku sababeeyeen in ay hooyada ku dhacayso nafaqo xumo ka imanaysa curiyeyaasha muhiimka ah ee la yaraanaya dhimista cuntada, taasina ay khatar caafimaad ku keenayso hooyada iyo ilmahaba si isku mid ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in muddada ay gabadhu ilmaha naaska ku duweyso, uu jidhkeedu u baahan yahay Kalooriyo aad uga badan inta ay u baahan tahay marka aanay ilmaha naaska siinayn, oo gaadhaya laba kun illaa laba kun iyo shan boqol.

Warbixin ka soo baxday xarunta xidhiidhka wacyigelinta caafimaadka ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay, nidaamka cunto ee jidhka hooyadu uu helayo xilligani in uu noqdo mid isu dheellitiran, noocyadiisuna kala duwan yihiin, si uu jidhku uga helo faytamiinnada iyo macdanaha lagama maarmaanka ah.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in hooyada ilmaha jaqsiisaa ay u baahan tahay noocyada khudradda, iyo midhaha, caanaha iyo cuntooyinka laga dheegto, badarka iyo cuntooyinka ganka leh, hilibka aanu dufanku ku badnayn, kalluunka dufanka badan, sida Solomoonka iyo Saradiinka.

Warbixinta xarunta ka soo baxday waxaa lagu sheegay in aan caafimaad ahaan lagu talinayn in hooyadu inta ay ilmaha naaska siinayso ay iska deyso nooc kasta oo cunto ah, haddii ay u aragto in ay iska deyntaasi lagama maarmaan tahayna waxaa qasab ah in ay la tashato dhakhtar ku takhsusay nafaqada, si uu u qiimeeyo nafaqada iyo macdahana kala duwan ee ay hooyada iyo ilmuhu ku waayi karaan iska deynta cuntadaas iyo khatarta ka dhalan karta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here