“Soomaaliya Diyaar Uma Aha Wada Hadalada, Mana Doonayso Inay Inala Hadasho, Daacadna Kama Aha”

0
755

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, oo sheegay inuu doonayo in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliya iyo  sababaha ilaa hadda hor raagan aqoonsiga Somaliland ee Caalamku u aqoonsan waayeen, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha Puntland “Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad,  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Somaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Somaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Somaliya, markaas Shir Somaliland aad ugu qaban karto Garowe ma jiro, Dastuur qabyo ka ah Somaliya oo Somaliland u yaalana ma jiro, anagu Somaliland ahaanu waxaanu leenahay Dastuur noo gaar ah, markaas marka aad leedahay Somaliland iyo Somaliya ayaana wada hadashiinayaana waa aragti gaaban, Madaxweynaha Puntland dhex ma noqon karo, wuxuu ka hadlayanaa waa waxay awalba ku hadli jireen qolada Somaliya ee uu la midka yahay”.

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadalka Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliya diyaar uma aha wada hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Somaliya waxay ogtahay inay wada hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”.

Wasiirka ayaa la weydiiyay bal sababaha uu isleeyahay waa caqabado horyaala aqoonsiga Somaliland, wuxuu yidhi  “Wadamo badani sababo kala duwan ayey aqoonsiga Somaliland u diidayaan, in badana xogogaal baanay ka ahayn xaqiiqooyinka jira, Wadamada og xaqiiqooyinka jira, sababo kale duwan ayey aqoonsiga u diidayaan, ama Wadamada Afrika ha noqodaan, ama Wadamo kale oo Caalamka ahba  noqdaan, laakiin maaha in marnaba la iska indho tiro aqoonsiga jiritaanka dawladnimada iyo dalnimada Somaliland, inaguna dadaalkeena weynu wadaynaa, Wadamada Afrika iyo Wadamada kale ee Caalamkuba xaqiiqada wey wada ogaan doonaan, xaqeena inaga maqana weynu heli doonaa, inagana Somaliya ka hor qaadanay xoriyada iyo xorinimada, kadibna weynu midawnay, Wadan kastana waxaanu diyaar u nahayn in aanu ka dhaadhicino oo aanu u soo bandhigno jiritaankeena iyo qaranimadeena”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here