Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Sheegay Inay Maanta Ka Tashanayaan Mustaqbalkooda

0
518

inaHargaysa( Geeska)-Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ay waheliyaan garabkii uu hoggaamin jiray intiisa badan, ayaa warbaahinta u soo bandhigay inay galayaan maanta oo Khamiis ah galinka danbe shir ay kaga arinsanayaan masiirka xasbiga Udub.

Axmed Yuusuf  Yaasiin ayaa sida oo kale sheegay in Jamaal Cali Xuseen uu xisbiga Udub ka dalbaday inay u duceeyaan, isla markaasna uu ku biirayo xisbig Ucid, isagoo sheegay inay u duceeyeen, waxaanu awooda saaray Amed Yuusuf inay talo midaysan ka gaadhi doonaan waxa ay ka yeelayaan  khilaafka xisbiga Udub. Waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin ku bilaabay hadalkiisa isaga oo ay hareero fadhiyaan inta badan garabka uu hogaamiyo ee xisbig Udub sidan “Waxaad ogtihiin baryahanba in uu khilaaf ka jiray xisbiga Udub, asbaabtuna ahayd musharaxiinta oo la soo qadimay musharaxna la qaatay, shalayto shir uu isagu yimi xisbigu Jamaal Cali Xuseen waa uu noo yimid, waxaanu nagu yidhi wakhtigu waa uu igu dheeraaday, waxaan doonayaa in lay duceeyo oo aan u guuro xisbiga Ucid, anagu xisbi ahaan haddaanu u badnayn qaybtii fulinta ee halkan fadhiday waan u ducaynay oo waxaanu ku nidhi illaahay garabkaaga ha galo, anagana waa uu noo duceeyay.” Ayaaa uu yidhi Axmed Yuusuf, waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata uu yidhi “Garabkan u badan fulintii xisbiga Udub oo uu maanta xoogoodu halkan fadhiyo waxaan ku balansannahay bari galab Khamiista ( Maanta ) inaan shir galno, shirkaas oo lagaga arinsan doono xisbiga Udub, xisbiga Udub waa xisbi facweyn oo waa xisbigii dhalay xisbiyada, mid si yar u saqiiri karana maaha, xisbi baabi karana maaha, waynu ognahay oo waa ay ku jiraan gacmo badan, way ku jiraan cid badan oo la soo adeegsaday, lakiin halkan waxa fadhiya niman soo jireena oo ilaa maalintii la aasaasay la soo jiifay caqabadahaana insha allaah waanu ku gudbidoona, si wadatashiya ayaan uga gudbi doona oo aan hore uga socon doona.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday Axmed Yuusuf Yaasiin sidan “Waxa lays waydiinayaa xisbiga Udub maxaa ku dhacay musharaxiintiisii, waxaad xasuusnaataan 360 musharax ee dalka maanta uu leeyahay 290 in xisbigan leeyahay oo shaqeeya, waxaad ogtahiin in dhalinyarada magaalada ee waawayn ay Udub tahay, ninkii iska tagana waanu badalaynaa, laakiin kolay xisbigu talo weyn oo balaadhan ayuu isugu noqonayaa, oo ah qaabkii xisbigan loo dhaqajin lahaa laga bilaabo maalinta Sabtida, insha allaahuna warbixin  ayaanu idin siin doona, xisbiguna maalinta khamiista ayuu isku imanayaa, halkii loo guuraayay ee xisbniga loo dhaqaajin lahaana waa laga fikirayaa.”

Garabkan uu hogaaminayo  Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa u muuqday kuwo damacsan inay ka tashadaan xisbigooda Udub, isla markaasna umay muuqan kuwo ka dabatagaaya saaxiibkood Jamaal Cali Xuseen.