Geeska Afrika Oo Xog Ka Helay Shirkii Golaha Ammaanku U Qabtay Kooxaha Somaliya Iyo Doorkii Weftigii Somaliland Ka Socday

0
906

council

Nairobi (Geeska)waxa shalay dhammaaday shir hal maalin ah oo ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay la yeesheen maamul goboleedyada Somaliya, dawladda Sheekh Shariif iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkaas waxa ay Somaliland u dirtay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaanay sheegeen inay si gaar ah ula kulmi doonaan weftiga golaha ammaanka oo aanay ku dhex milmi doonin kooxaha Somaliya. Hase yeeshe ka qayb galka shirkaasi wuxuu abuuray dareen xaasaasi ah oo ay bulshada Somaliland qaarkood ka bixiyeen tegitaanka shirkaas oo ay ku tilmaameen mid hoos u dhigaya meeqaamka Somaliland.

Somaliland iyo Golaha Ammaanka

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay xubnaha golaha ammaanku si gaar ah u arkeen weftiga Somaliland, waxaanay la qaateen wakhti lagu qiyaasay 25 minit, waxase la sheegay inay weftiga Somaliland goob joog ka ahaayeen kulankii ay Qaramada Midoobay la yeelatay weftiyadii Puntland iyo Galmudug, laakiin wax hadal ah kamay jeedin.

Balse Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Oo aanu xalay goor dambe la xidhiidhnay ayaa beeniyay inay ka qayb galeen kulanka Puntland iyo Galmudug, “Waa arrin aan jirin oo been ah oo aan meeshaba qaban, weftiga Somaliland kulanka qudha ee ay ka qayb galeen waa kulankaas galabta [Shalay] aanu la yeelanay golaha ammaanka.” Ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya kulankaasna wuxuu yidhi “Wuxuu ahaa shir taariikhi ah, waana markii u horaysay ee ay Somaliland farriin toos ah u gudbiso golaha ammaanka oo ay horfadhiisato. Annaga fursad ayay noo ahayd, aragtida siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Somaliland-na si toos ah ayaanu golaha ammaanka ugu gudbinay, waxaanan u arkaa inuu kulankaasi fursad iyo guul u ahaa Somaliland. Waxaanan u mahadcelinayaa saaxiibada Somaliland ee ka shaqeeyay in Somaliland gaar loo arko, Somaliyana gaar loo arko.”

Sida ay Geeska Afrika ilahani u sheegeen weftiga Somaliland kulanka gaarka ah ee ay la yeesheen golaha ammaanka waxa hadal ka jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo sida ay ilahaasi tibaaxeen jeediyay khudbad kooban laakiin la sheegay inay u bogeen xubnihii golaha ammaanka ka socday. Wasiirka ayaa shirkaas ku soo bandhigay aragtida dawladda Somaliland, waxaanu ku dooday inay shacabka Somaliland go’aansadeen inay xorriyadooda dib ula soo noqdaan taas oo hadda labaatan jirsatay, waxaanu codsaday inay golaha ammaanku tixgeliyeen rabitaanka shacabka Somaliland. Kulanka waxa xubnaha golaha ammaanka ku weheliyay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassador Mahiga, waxaana la sheegay inay ku dhammaatay jawi degen.

Canaatii Dawladda Sheekh Shariif

Kulanka dhex maray dawladda Sheekh Shariif iyo xubnaha golaha ammaanka, ayaa la sheegay inuu ahaa kulan ay dawladaasi kaga qayb gashay laba dhinac oo kala ah Sheekh Shariif iyo Raysalwasaarihiisa oo isku dhinac ah iyo Shariif Xasan iyo xubno kale oo iyaguna wada socday, waxaanay labada dhinacba difaaceen aragtidooda la xidhiidhka khilaafaadka ka dhex taagan dawladaas. Diblomaasi Maraykan ah oo shirkaas  fadhiyay kana tirsanaa weftiga golaha ammaanka, ayaa si adag u canaantay dawladda Sheekh Shariif iyo masuuliyiinteeda, waxaanu sheegay inay caalamku ka niyad jabeen macaamilkooda iyo khilaafaadka joogtada ah ee ka dhex oogan. Waxa kale oo iyaguna canaan taas la mid ah iska daba maray xubnihii golaha ammaanka, waxaanay kula taliyeen masuuliyiinta dawladaas inay la yimaadaan qorshe cad oo soo celin kara kalsoonida bulshada.

Puntland

Weftiga Puntland oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, ayaa kulanka ay la yeesheen golaha ammaanka oo sida la sheegay ay goob joog ka ahaayeen Somaliland iyo Galmudug, waxay ku soo bandhigeen khudbad dheer oo ka turjumaysa aragtidooda dhinacyada Somaliya, budhcad badeeda, argagixisada iyo qodob kale. Khudbadda Puntland oo ay ilahani sheegeen inay u muuqatay mid habaysan, ayaa ahayd mid aad u dheer, waxaanu masuulkii hoggaaminayay weftiga golaha ammaanku ka codsaday inay soo koobaan oo ay qoraal ahaan ku siiyaan weftiga.

Galmudug

Warku wuxuu sheegay inaanay jirin wax khudbado ah oo ay weftigii ka socday maamul goboleedka Galmudug halkaas ka jeediyeen, lamana sheegin sababta keentay khudbad la’aanta weftiga Galmudug, waxase la sheegay inay dhagaysanayeen hadaladii laga jeediyay kulamadii dhacay marka laga reebo kulankii dhex maray weftiga golaha ammaanka iyo Somaliland.

Gunaanad

Shirarkaas ayaa la sheegay inay dhammaantood ku qabsoomeen qorshihii loogu tallo galay, waxaanay ilahani sheegeen inay xubnihii golaha ammaanku u bogeen laba qodob oo kala ah qaabka ay isu dhagaysanayeen isuna ixtiraamayeen dhinacyadii ay la kulmeen iyo weliba sida ay u guulaysteen kulamadaasi. Weftigii golaha ammaanka ayaa la sheegay inay xalay ka dhoofeen magaalada Nayrobi eedalka Kenya.

 

Wargeyska Geeska Afrika