Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (8)

0
939

Waxaa xusid mudan in ay jiraan taariikhyahanno ku doodaya in Suldaan Maxamed Alfaatix uu wadaadadii Orthodox ka ee masuulka ka ahaa Aaya Soofiya ka iibsaday dhismaha kaniisadda, barxadda iyo dhismayaal kale oo raacsan. Taariikhyahannadaas qaarkood ayaa arrintan marag uga dhigaya warqadda rasmiga ah ee ay xukuumaddii Mustafe Kamaal Ataturk masaajidka Aaya Soofiya kaga dhigaysay hoyga hiddaha iyo dhaqanka. Sida warqadda laga arkay magaca mulkiilaha Aaya Soofiya oo lagu qoray Maxamed Alfaatix. Laakiin taariikhyahannadu waxa ay u badan yihiin in arrintaasi aanay sidaas u jirin. Waxa ay ku doodayaan in Suldaan Maxamed Alfaatix uu qabsaday xukunkii boqortooyada Bisantiiniyiinta sidaas awgeed kaniisaddan iyo dhammaan hantidii kale ee dawladdu ay sharci ahaan ku soo wareegeen mulkiyadda dawladdiisa, sidaas awgeed uu awood sharci u yeelanayey in uu isagu sida uu u garto u maamulo. Waxa kale oo iyaduna mulkiyadda Suldaanka diidaysa xaqiiqada ah in aanay jirin cid gaar u leh Kaniisadda oo ka iibin karaysay.

Dhukumantiga dooddan keenay oo weli nuqulkiisii asalka ahaa yaallo kaydka dawladda Turkida ayaa caddaynaya in Suldaan Maxamed Alfaatix uu hantiyey Aaya Soofiya kaddibna ka dhigay masaajid dadka oo dhan u furan. Taas oo ay maxkamadda hadda dib u soo celisay masaajidnimada Aaya Soofiya ay u cuskatay in ay caddaynayso in Suldaan Maxamed intii aanu goobtan ka dhigin Masaajidka marka hore sifo sharciga xilligaas bannaynayey isu mulkisiiyey lahaanshiyaheeda, kaddibna ka dhigay waqaf. Sidaas awgeed aanay sax ahayn in laga beddelo wixii uu isagu waqaf ahaanta uga dhigay oo dabcan masaajid ahaa.

Is gedgeddiga Aaya Soofiya

Kaniisad ay mad-habbo kala duwani sheegtaan oo ay ka mid tahay xarunta kaniisadda Orthodox ka ee bariga oo ay sagaal qarni ahayd, masaajid ku dhowaad shan boqol oo sano ay ahayd, hoyga hiddaha iyo dhaqanka oo ay 86 sano ahayd iyo hadda oo ay mar kale noqotay masaajid. Aaya Soofiya sida uu dhismaheedu baadi-soocda u gaarka ah u leeyahay ayaa ay taariikhdeeduna gaar u tahay. Waa dhisme leh sumad taariikheed, raadad diimeed oo kala duwan iyo muhiimad siyaasadeed oo aan mar keliya hoos u dhicin muddo 1500 oo sano ah oo ay dhisnayd.

Kaniisad – Kaniisad

Aaya Soofiya oo erey asalkiisu afka Giriigga yahay oo la macna ah ‘Xikmaddii Ilaahiyada ahayd” Sannadkii 532 kii dhalashadii Nebi Ciise (CS) kaddib, ayaa magaalada la dhagax dhigay dhismihii ugu horreeyey ee Aaya Soofiya, kadidb markii uu sidaas amar ku bixiyey Imbaraadoorkii Bisantiiniyiinta ee Justinian kii koowaad. Laakiin markaas la dhisayeyba waxaa laga dul dhisayey hadhaaga kaniisad hore oo dhowr jeer oo la dhisayba la burburiyey.

Shan sano ayaa lagu dhammaystiray dhismahan oo uu Imbaraadoorku ugu talagalay in uu noqdo mid ka duwan dhammaan dhismayaashii Roomaanka ama guud ahaan adduunka si uu ugu faano heerka sarreeya ee ay Bisantiiniyiintu ka gaadheen farshaxanka.

Sida ay taariikhyahannada Roomaaniyiintu sheegeen markii dhismahan leh qudbiyada mucjisada ah iyo qaab dhismeedka godadka dhulka hoostiisa laga sameeyey la moodo, waxaa xadhiga ka jaray Imbaraadoor Kustinian kii Koowaad oo isaga qudhiisu rumaysan kari waayey dhererka, baaxadda, farshaxanka iyo quruxda dhismaha. La yaabkiisaas oo gaadhay in markii uu kadinka ka soo galay, isaga oo amakaagsan inta uu cod sare ku hadlay uu yidhi, “Sulaymaanoow, waan ku dul maray” Isaga oo u jeeda Nebigii Alle ee Sulaymaan (CS) oo isaga oo ka faa’idaysanaya jinka iyo Insiga Alle u sakhiray dhisay dhismeyaal iyo qasriyo yaab lahaan jiray.

Dhismahan oo dhagaxa noocyadiisa qaaliga ah ee lagu qurxiyey laga soo guray meelo kala duwan, derbiyadiisa gudaha waxaa lagu sameeyey dhagaxaan qoran, jaajuur iyo marmar ka samaysan macdanaha kala duwan ee ay ka mid yihiin Dahab, lacag, Quraarad dhagaxa midabbada dabiiciga ah leh oo dusha sare lagaga xardhay calaamado iyo sawirro diimeed. Waxa uu xilligaas noqday kii ugu farshaxansanaa, dushana ku lahaa qudbigii ugu yaabka iyo quruxda badnaa uguna weynaa xilligaas ayaa Labaatan sano markii uu dhisnaa waxa uu burburay sannadkii 558 ee dhalashadii Ciise kaddib (CS) kaddib markii uu Qustantiiniya oo Istanbuul ta imika ah ka dhacay dhul gariir aad u weynaa oo dhismayaasha badankoodii burburiyey. Muddo kaddib ayaa mar kale la dhisay Aaya Soofiya oo markan lagu daray tiirar dheeraad ah oo sii adkeeya jiridda dhismaheeda.

Illaa laga soo gaadhay sannadkii 1520 kii dhalashadii ciise kaddib (CS) Aaya Soofiya waxa ay ahayd kaniisadda fadhiga baaderiga ee ugu weyn adduunka oo dhan. Waxaa kaalintaas ka qaadday kaniisaddii laga dhisay Seville ee dalka Isbayn oo sannadkaas la dhisay, laakiin waxa ay weli sii ahayd jawharadda dhismeyaasha Bisantiiniya, waxaana lagu tirin jiray mid ka mid ah calaamadaha taariikheed ee ugu waaweyn adduunka oo dhan. Muddo 900 oo sano ka badan ayaa ay Aaya Soofiya xarun u ahayd Kaniisadda Orthodox ka ee Bariga Adduunka oo dhan, laakiin muddadaas qudheeda intii lagu gudo jiray ayaa uu isbeddel kale dhacay.  57 sano oo u dhexeeyey 1204-tii illaa 1261-kii Miilaadiga ayaa coladdii mad-habaha Kiristaanku intii ay socdeen waxaa Kaniisaddan la wareegay Kaatoligga. Ol’olihii la baxay ol’olaha afaraad ee Kaatooligga Roomaa ayaanay kaga dhigeen kaniisad ay iyagu leeyihiin, laakiin mar kale ayaa uu Imbaraadoorkii Bisantiiniyiintu dib ula soo noqday magaalada Qustantiiniya iyo Aaya Soofiya oo ku soo noqotay xarunta kaniisadaha Orthodox ka.

Masaajid leh calaamado Kaniisadeed

Inkasta oo uu Suldaan Maxamed Alfaatix ahaa nin aad u dhalinyar, da’da uu ahaa iyo guusha yaabka leh ee uu gaadhay awgeedna ay dad badani ka filanayeen in uu qaadi doono tallaabooyin ku dhisan aargoosi iyo kibirka lagu yaqaannay Imbaraadoorradii xilligiisa. Laakiin aqoontii diineed ee uu sida fiican u bartay iyo ilbaxnimadii uu ka dhaxlay, maskax furnaantii uu ka dheefay afafkii tirada badnaa iyo dhaqannadii kala duwanaa ee uu yaqaanay iyo ilbaxnimadii dawladnimada uu tan iyo awoowyadii ku soo dhex jiray oo lagu daray talada uu qaadan ogaa iyo dadka aqoonta leh ee uu isku xeeray oo macallimiintiisii ka mid ahayd ayaa u muuqda in ay salka u dhigeen hoggaamintiisa xikmadda badan lagu bartay.

Arrimaha aan laga filayn ee uu Maxamed Alfaatix ku kacay waxaa ka mid ahaa in uu ka hortegey in aargoosi iyo barakicin lagula kaco dadkii deegaanka Istanbuul markii uu la wareegay magaalada, waxa uu sameeyey xeerar iyo nidaam ganacsi oo dhiirrigelinayey in dadka aan muslimiinta ahayni degaan, kuna dhex shaqaystaan Istanbuul iyo in ay la macaamilaan muslimiinta, waxa uu xoojiyey ganacsigii dawladda Islaamka iyo dalalka reer Yurub ee Kiristaanka ah ka dhexeeyey. Isaga oo ka duulaya in kala duwanaanshiyuhu qayb ka yahay horumarka bulsho waxa uu qaaday ol’ole uu ganacsatadii muslimiinta ee aan deegaanka Istanbuul ahayn ku dhiirrigeliyo in ay soo degaan caasimadda oo ay maalgashadaan, iyada oo ay dawladdu siinayso dhul iyo xeerar caawiya dib u dejintooda.

Intaas oo dhan waxaa ka sii yaab lahaa sida uu uga taxaddaray in uu isbeddelo waaweyn ku sameeyo dhismaha taariikhiga ah ee Aaya Soofiya. Inkasta oo uu masaajid ka dhigay, haddana marka laga tago in lagu kordhiyey afar minaaradood oo masaajidnimadeeda calaamad u noqda, goobta uu imaamku xilliga salaadda istaago (Mixraab) iyo kaabadda (Minbar) lagu istaago xilliga khudbadaha la akhriyayo oo ah qori la rari karo (Guurguuraya), wax kale oo kasta sidiisii ayaa uu u daayey. Waxyaabaha uu daayey waxaa ka mid ah sawirradii iyo farshaxankii kale ee calaamadaha diinta Kiristaanka ka turjumayey ee derbiyadeeda ku xardhanaa oo uu amray keliya in dusha wax laga saaro si loo qariyo. La soco…