Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (10)

0
89

Dawladaha reer galbeedka oo aanay xusuustooda ka sii maqnayn dawladdii Cusmaaniyiinta ee ay awoodda ku muquuniyeen ayaa si aad ah u soo dhoweeyey go’aanka ay xukuumaddii Ataturk ku gaadhay in masaajidka Aaya Soofiya laga dhigo matxaf.

Si kastaba ha ahaato ee qoraa Yildiray Ogur waxa uu ku doodayaa in dadkweynaha Turkigu aanay waxbadan kala socon sida uu ku yimi qorshaha matxaf ka dhigista Aaya Soofiya, sababta ugu weynina waa xukuumaddii xilligaas oo si aad ah u qarisay xogta la xidhiidhay go’aankeedan iyo duruufaha kale ee ku xeernaa qaadashada go’aanka. Go’aanka oo laba bilood ka hor ay dawladdu qaadatay ayaa ay dadka Turkigu ka ogaadeen warbixin uu wargeyska Maraykanka ee New York times xilligaas ka qoray. Xitaa ninkii madaxda ka ahaa matxafyada Turkiga ayaa sheegay in go’aankani uu isaga qudhiisu aanu garanayn sida ay wax u dhaceen.

Isla maalinta warbixinta wargeyska Maraykanka ahi soo baxay, ayaa ay wargeysyada Turkiguna qoreen warbixinno ku saabsan laba duuliye diyaaradeed oo Maraykan ahaa oo magaalada New York uga safray dhinaca Istanbuul, iyo sida oo kale dhambaal uu Mustafe Kamaal Ataturk u diray madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Franklin Roosevelt, waxaa iyaguna jiray warar ay soo saareen masuuliyiin Turki ah oo caddaynayey in shaqada ay dawladdu fasaxday ee la xidhiidha baadhista aataarta Aaya Soofiya, aanay waxba ka beddeli doonin muuqaalka dhismahan.

Dhukumantigii ugu horreeyey ee rasmi ah ee laga sameeyey dadaallada matxaf ka dhigista Aaya Soofiya waxa uu ahaa dhambaal ku taariikhaysnaa 25 kii bishii Ogosto 1934 kii, oo uu wasiirkii waxbarashada iyo barbaarinta ee xilligaas Caabidiin Owsmiin u diray xafiiska raysalwasaaraha.

Dhambaalkan waxaa ku qornaa, “Aniga oo fulinaya amarkii sare ee afka la iga faray, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa nuqul ka mid ah amar waajib ka dhigaya qorshaynta sidii masaajidka Aaya Soofiya loogu beddeli lahaa Matxaf” Amarkaas kaddib waxa uu xafiiska raysalwasaaruhu si degdeg ah u abuuray guddi arrintan ka si ishaqaysa oo ugu dambayn soo saartay go’aamo ay waajib tahay in laba maalmood gudahood lagu fuliyo.

Wasiir Owsmiin oo arrintan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sannadkii 1949 kii markii uu hawlgabka noqday ayaa waxa uu yidhi, “Qaab Akademi ah ayaa la iigu sheegay in halkii ay Aaya Soofiya ka ahaan lahayd dhisme diin keliya iyo cid keliyi leedahay, in ay ka fiicantahay in loo beddelo matxaf u furan dadka booqanaya ee dawladaha adduunka oo dhan iyo diimaha oo dhan ka socda”

Middle East Eye waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in sababta runta ah ee dhiirrigelinaysay in Aaya Soofiya Matxaf laga dhigaa, in uu go’aankaasi ahaa farriin uu Ataturk u dirayey Maraykanka iyo dalalka reer galbeedka guud ahaan. Farriinta uu madaxweyne Ataturk dirayey waxa ay ahayd in Turkiga cusubi uu yahay dal Calmaani ah, oo qorshihii khilaafada Cusmaaniyiinta ee is ballaadhinta ahaa aan laga filayn. Xeeldheereyaasha qaarkoodna waxa ay ku tilmaameen tallaabo niyadsamaan uu Ataturk u muujinayey kaddib heshiiskii la baxay ‘Axdiga Balkaaniska’ oo isla sannadkaas uu Turkigu la saxeexday Giriigga, Yuguslaafiya iyo Roomaaniya oo ahaa dalal aad looga aaminsanaa mad-habta Orthodox ka ee Aaya Soofiya ay ku abtirsan jirtay.

Heshiiskan oo ay 9 kii Feebarweri 1934 wada saxeexeen boqorkii Yuguslaafiya, madaxweynihii Giriigga, Boqorkii Roomaaniya iyo madaxweynihii Turkiga waxa uu qayb ka ahaa dadaal la doonayey in la dhammaystiro nabadda gobalkaas iyo wada noolaanshiyaha dawladahan iyo dadkooda. Si taas loo helana waxa uu heshiisku dhigayey in in xaaladda siyaasad-dhuleed ee gobalkaas loo daayo sida uu ahaa markii uu dhammaaday dagaalkii koowaad ee adduunka oo dabcan ahayd markii laga adkaaday Cusmaaniyiinta ee lagu qasbay saxeexa heshiiskii jabka. Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ahaa in dalalkani ay ka tanaasulaan dhammaan sheegashooyinka dhulalka uu dalba dalka kale ku haystay. La soco…