“Madaxweynaha Ayaa Looga Fadhiya Inuu Qanciyo Beelaha Darafyada Somaliland”

0
465

Hargeysa (Geeska) – Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay doodda ka taagan Doorashooyinka, gaar ahaan Doorashada Golaha Wakiillada iyo tabashada saami-qaybsiga ee Beelaha darafyada Somaliland, waxaanu xusay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu dadka qanciyo.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya, baaqna u diray Beelaha dagaalku ku dhemxaray Deegaan ka tirsan Gobolka Sool, waxaanu ugu horeyn yidhi “Arinta Saami-qaybsigu waa tabasho muddo dheer taagnayd, inkasta oo ay habboon tahay in mar kasta laga taliyo wanaagga, cadaaladda  iyo Sinaanta, haddana Madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inuu qanciyo dadka ka soo jeeda Beelaha darafyada Somaliland, sheegana aragtidiisa ku waajahan saami-qaybsiga, markaas isaga ayaa la sugayaa”.

Mar uu ka hadlayey wada-hadallada Soomaaliya ayaa yidhi “Soomaaliya iyo Somaliland, waa laba dal oo wada-hadalo hadda u dhexeeyaan, markaas siyaasi ka soo jeeda Beelaha Somaliland, sharciyan Somaliland lama hadli karo, lagama hor keeni karo”.

Mar uu baaq u dirayey Beelo dagaal ku dhexmaray Deegaan ka tirsan Gobolka Sool ayaa yidhi “Dagaalka dhexmaray Beelaha walaalaha ah, aad iyo aad baan uga xumahay, ee waxaan leeyahay wax garadka iyo odayaasha labada Beelood nabadda qaata, oo ka dheerada colaadda, maalmihii fadliga badnaa ayeynu ku jirnaa ee ha la joojiyo colaadaha iyo cadaawadda”.