Diyaaradihii Milatari Ee Yugaandha Ee La Waayay Oo Qaar Ka Mid Ah La Helay

0
534

 

diyaradCiidamada militeriga Kenya ayaa sheegay in laga helay burburkii laba dayaaradood ee helicopter ah oo ay leeyihiin ciidanka Uganda meel ku taal buuraha Kenya.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in helicopter-da ay gubteen, isla markaana aan la ogeyn wax ku dhacay dadkii saarnaa. Dayaaradaha ayaa waxa ay u socdeen inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxa ay ahaayeen afar dayaaradood – mid ka mid ah waxa ay u degtay si deg deg, halka midda kale ay u duushay magaalada Garisa.

 

Military-ga dalka Uganda, ayaa  hore u sheegay in la raadinayo dhowr ka tirsan helicopter-ada dagaalka oo ku guuldaraystay in waqtigii loo qabtay ay dib ugu laabtaan dalka Kenya.

Diyaaradaha ayaa ka mid ahaa qalabka military-ga Uganda ee lagu xoojinayo ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.Mid kaliya mid ka mid ah helicopter-ada ayaa waqtigii loo qorsheeyay dib ugu laabatay magaalada Wajeer. Military-ga Uganda ma sheegin tirada helicopter-ada maqan ama tirada ciidanka saarnaa.

Ciidamada Uganda ayaa tirada ugu badan ka ah xoogaga nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, oo sidoo kale ay ku jiraan kuwa dalalka Kenya iyo Burundi.