Nin Is Yidhi Sir Haween Ka Salgaadh Isaguun Baa Hawl Korodhsaday (Q:3aad)

0
549

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qiso uu ka soo turjumay afka carabiga oo ka hadlaysa nin isku dayey in uu ka gun gaadho sirta iyo mukurka haween, laakiin ay isagii isku rogtay.

Ninkii markii uu ku soo noqday miiskii ayaa inta uu soo qaatay mindi damcay in uu googooyo xabxabka, oo inta xaajiyaddu cuntada soo waddo uu isna diyaariyo. Markii uu xabxabkii kala jarayba waxa kaga soo booday kalluun.

Ninkii oo yaabban ayaa qayliyey, “Heblaayooy (Magaca xaaskiisa ayaa uu ku dhawaaqayey)… Soo carar. Markii ay u timi iyada oo iska dhigaysa ruux naxsan oo ordaysa ayaa inta uu tusay kalluunkuu waxa uu ku yidhi, “Kalluunkan ayaa aan ka dhex helay xabxabkii.. waa arrin mucjiso ah” Inta ay eegtay aya ay ku tidhi, “Waar ha inna wareerin, kalluun ayaan xabxab ka dhex helay cidi kaama dhagaysanayso ee” Isna dhaar ayaa uu dabadaqabsaday in uu ka helay.

Gabadhii inta ay baxday ayaa ay u tagtay ninka qoysiisii, oo aan ka fogeyn. Qoysku aad ayaa ay u jeclaayeen gabadhan, waxa aanay arkayeen in ay tahay gabadh dhisaysay inankooda. Inta ay isu muujisay ruux dhib badani ka haysato ninkan oo dulqaadkii ka soo dhammaanayo ayaa ay tidhi, “Anigu waxba ka garan maayo ninkii, in badanna waan u samrayey.. waxa ay gaadhey heer uu halis geliyo naftayda, habeen oo dhan isaga ayaan iska ilaaliyaa, maantana waxa uu marayaa heer uu yidhaahdo, khasab ku rumayso in aan xabxabkan Kalluun ka soo dhex saaray. Markaa, bal hadda kaalay ninkii noo kala jid sameeya”

Qoyskii oo naxsan cadhana aanay ka madhnayn ayaa yimi gurigii, markii ay ninkii wax weydiiyeenna waxa uu ku yidhi, “Anigu wax dhib ah ma geysan, miyirkaygana waan qabaa. Kalluunkan ayaa aan ka soo dhex saaray xabxabkan. Markii aan u sheegay mucjisada dhacdayna anigii ayaa ay wax waalan iga soo qaadday” Gabadhii oo halkan taagan ayaa tidhi, “Waa kaas, ee bal eega, boqol wax oo noocaas ah ayaa uu habeen iyo dharaarba ka sheekeeyaa” Ninkii oo cadhaysan ayaa soo booday oo yidhi, “Naa ma anniga ayaa aad igu leedahay wuu waalan yahay” Waxa aabu isku dayay in uu u gacan qaado. Inta ay gabadhii xaggaa u booday aya ay tidhi, “Waa kaas halis aad indhihiina ku aragtaan waxa uu samaynayo. Noloshayda ayaaba khatar ku jirta ee ninkan iga qabta, haddii kale hadda ayaa aan kadinka ka baxayaa”

Waa la arkay in uu haddadan damcay in uu u gacan qaado, in uu xabxab kalluun ka dhex helayna waa kan iyagaba u sheegaya, markaa ma jirto sabab lagu beensan karo warkeeda. Ninkii ayaa loo caqli celiyey, oo waxa lagu yidhi, “Waar Kalluun ayaa aan xabxab ka soo saaray iyo warkaas aan suurtogalka ahayn jooji, gabadhanna ama si fiican u dhaqo ama fasax. Waa nin miyir qaba oo waalli qasab lagu ogolaysiinayo oo waa qasab in uu is difaacaa, laakiin cadhadii uu qaaday ayaaba marag ku sii furtay oo qoyskiisii markii uu iyagiina la dagaallamay waxa ay rumaysteen warkii gabadha ee ahaa ninku maskax ahaan uma fayooba. Inta la isu jabiyey oo silsilad gidaar loo qabadsiiyey si aanu cid u sii wax yeellayn ayaa la doonay Sheekh dabiiba. Intii hadalka iyo qab-qabashadu socotayba fiidaddow ayaa ay noqotay, iyada oo aan sheekhii weli la keenin ayaanay gabbalkii dhacay. La soco…