Tijaabo Aad Ku Qiyaasi Karto Heerka Fariidnimadaada Iyo Awoodda Ay Maskaxdaadu U Leedahay Ka Jawaabista Su’aalaha Degdegga Ah

0
661

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii ee tijaabadii lagu qiyaasay heerka fariidnimo ee qofka. Haddii aad su’aalihii 16 ka ahaa ee cadadkii shalay ku soo baxay ka wada jawaabtay, inta aynaan natiijada u gelin waxa aad shaxdan hoose ka dheegataa, su’aalihii lagu weydiiyey jawaabahooda saxda ah, si aad u aragto jawaabaha saxda ah iyo kuwa kaa qaldan:

Tirada hore waa tirsiga su’aashada, tirada labaad ee ku jirta khaanadda yara ballaadhanina waa tirsiga jawaabta saxda ah ee su’aalihii tijaabada. Jawaabihii la’ kala dooranayey ee su’aalaha, ta saxda ah ayaa lambarkeedii aynu soo qaadannay.

Jawaabaha Saxda ah ee su’aalaha tijaabadan

Su’aasha

Jawaabta Saxda ah

Su’aasha

Jawaabta Saxda ah

Su’aasha

Jawaabta Saxda ah

Su’aasha

Jawaabta Saxda ah

1

Jawaabta 3

5

Jawaabta 5

9

Jawaabta 3

13

Jawaabta 5

2

Jawaabta 3

6

Jawaabta 5

10

Jawaabta 3

14

Jawaabta 3

3

Jawaabta 5

7

Jawaabta 2

11

Jawaabta 1

15

Jawaabta 5

4

Jawaabta 4

8

Jawaabta 1

12

Jawaabta 2

16

Jawaabta 3

Fiiro Gaara

– Tijaabadan waxa uun lagu qiyaasi karaa dadka ka weyn 16 jirka.

– Haddii aanad su’aalihii tijaabadan kaga jawaabin waqtigii aynu hore u soo sheegnay ee 10 daqiiqo ahaa, macnaheedu waa in jawaabta aad helaysaa aanay sax ahayn, ama aan looga qiyaas qaadan karin fariidnimadaada. Macnaheeduna waa in bilowgaba aad ogaato in fariidnimadaadu ka hoosayso inta dabiiciga ah.

– Haddii aad hesho natiijo ka hoosaysa boqolkiiba 80, macnaheedu waa in aad ka hoosayso heerka fariidnimada ee dabiiciga ah, haddii aad hesho natiijo ka sarraysa boqolkiiba boqolna macnaheedu waa in aad ka sarrayso heerka dabiiciga ah.

1. Haddii aad saxdo 12 waxa aad tahay 80%. Taa macnaheede waa in aad tahay doqon.

2. Hadiii aad saxdo 13 100%  taa macnaheedu waa in aad tahay dhex dhexaadka ah.

3. Hadddii aad saxdo 14 waxa aad tahay 120% taas macnaheedu waa in aad tahay Fariid.

4. Hadii aad saxdo 15 waxa aad tahay 130% taa macnaheedu waa inaad  aad Fariid u tahay.

5. Haddii aad saxdo 16 waxa aad tahay 140% waana heerka ugu sareeya fariidnimada.

6. Haddii aad ka hoosayso 12 waxa aad tahay halka ugu hoosaysa doqoniimada.