Murrashaxa Madaxweyne Romney Oo Dood Ku legday Madaxweyne Obama

0
501

 

Picture2Dooddii kowaad ee dhex marta labada murrashax ee Maraykanka ayaa maalintii khamiistii, 04/10/202 ku qabsoontay Jaamacadda Denver ee magaalada Denver, Colarado. Ninka holliyay jagada madaxweyne Mr. Romney ayaa madasha ka muujiyay firfircooni, aftahamo iyo bisayl uu dhulka ku jiiday Madaxweyne Obama.

Sifooyinka aan soo sheegnay oo uu la soo baxay murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa ahaa kuwo lagu tuhmayay Madaxweyne Obama, hase ahaatee, madaxweynahu habeenkaa waxa uu gabay bar kasta oo lagu lammaanin jiray.

Waxaa uu la soo shir tegay habacsanaan, afgaroocnimo iyo amankaag uu aad u la yaabanaa ninka ay garnaqsanayaan. Sidaa awgeed, in ka badan 60% dadkii daawanayay doodadaas ayaa uu arkay in Mr. Romney si xarrago leh ugu guulaystay wadaxaajoodka habeenkaa.

Hase ahaatee, durbaba markii dib loo dheehday dooddii labada murrashax dhex martay waxaa soo baxday Mr. Romney in uu idho-adeyg iyo dhoolo ka qosol ku badhxayay erayada afkiisa ka soo baxayay.

Muddo 38 daqiiqadood ah oo uu si teelteel ah u hadlayay waxa la soo sugay in uu 27 jeer sheegay been.

Waxaa uu been ka sheegay oo uu dafiray qorshahiisii siyaasadeed ee uu 18 bilood u soo ololaynayay. Waxaa uu been ka sheegay qaabka madaxweynahu u maareeyay dhaqaalaha. Waxaa uu ku hadlayay tirokoobyo aanay waxba ka jirin. Wax kasta oo uu soo hadal qaaday waxaa uu ku lifaaqay xogo aan raad lahayn. Sidaa awgeed ma sii raagin guushii mudane Romney.

Madaxweyne Obama isaguna waxaa uu hadda waxaa uu ku afgobaadsaday oo uu ku dooday in uu la amankaagay weedhaha ka soo yeedhay dhiggiisa.

Taariikhda Doodaha Murashaxa Madaxweyne

Dooddii ugu horraysay oo dhex marta labada murashax ee uu tartama xilka Madaxweyne ee carriga Maraykanka waxaa ay soo taxnayd tan iyo 1960 markaas oo ay isku haleeleen Richard Nixon murrashaxii Xisbiga Jamhuuriga iyo John F. Kennedy oo ay soo taageen Xisbiga Dimuqraadigu. Dooddaas waxaa si muuqata ugu soo shaac baxay John F. Kennedy isaga ayaana ku guulaystay doorashadii. Saamaynta ay dooddu reebtay ilaa iyo hadda waa mid ka sii guuxaysa intii habeenkaa daawanaysay, dadka intiisa kalena waa mid jiil (da’) kasta ay ku qasban tahay in ay daawadaan waxna ka bartaan. Sidaa darteed ilaa maanta Madaxweyne J.F. Kennedy waxaa loo arkaa in uu ka mid yahay madaxweynayaasha fara ku tiriska ah ee ugu magaca iyo milgaha weyn ee soo maray dalka Maraykanka.

Sida ku kaydsan sooyalka doorashada waxaa aad u adag in laga adkaado Madaxweyne isu soo taagay in mar kale dib loo doorto. Balse markii ugu horraysay waxaa ay ahayd 1932 markii Madaxweyne Herbert Hoover oo u taagnaa in mar 2aad xilka loo doorto uu ku hungoobay doorashadii waxaana ku guulaystay Franklin Roosevelt. Sidoo kale, Madaxweyne Jimmy Carter ayaa 1980 uu ka adkaaday Ronald Reagan. Halka Madaxweyne George H.W. Bush, 1992, isagana uu ka libaystay Bill Clinton, markaas oo muddo 12 sannadood uu xukunka ku keliyaystay Xisbiga Jamhuuriga.

Ma laga yaabaa in Madaxweyne Obama uu ku biiro kuwaa aan soo tilmaamnay oo gacmo madhan kala baxay tartankii?
Run ahaantii, Madaxweyne Obama waxaa uu dhaxlay dhaqaale-burbur gaadhay heerkii ugu hoosaysay iyo 2 dagaal (Ciraaq, Afqaanistaan). Inkasta oo uu dalka ka badbaadiyay god aan dib looga eyoon Karin, haddana ilaa hadda duruufaha dalka ka jira ma aha mid lagu naaloon karo. In ka badan 35% dadka ayaa qaba in weli aan laga bixin halistii loo doortay xukuumadda maanta in ay dalka ka saarto. Waxaa aad looga cabsi qabaa burbur dhaqaale oo aan laga soo waaqsan karayn. Sidoo kale, taariikhda lagu ma hayo Madaxweyne doorashada mar labaad dib loo doortay mar haddii shaqo la’aantu ka sarrayso 8%.

Bishii August ilaa 8.1 xoogsatada Maraykanka ayaa camal la’aan ay haysaa taas oo mugdi gelin karta in Obama ku soo laabto kursiga looga arrimiyo dalka. Nasiib wanaag, isla maanta, waxaa la caddeeyay in shaqo la’aantu hoos u dhacday dabyaaqadii bishii dhammaatay ee September iyada oo hoos u gaadhay 7.8%.

Sidee loo doortaa Madaxweynaha USA?

Madaxweynaha Marykanka ma aha mid si toos ah dadku u soo doortaan. Hase ahaatee, waxaa laga doortaa marka uu helo ugu yaraan 270 cod oo ka mid ah wadarta 538 cod ee wakiilka ah 51ka gobol iyo Degmada Clumbia oo uu ka kooban yahay maamulka dalku. Gobol kasta tirade dadka ku nool ayuu ku saami qaataa. Gobolka California ayaa leh cododka ugu badan oo dhan 55, halka Wyoming oo ugu tiro yar u leeyahay 3 cod oo keliya.

Odoroska Codka 2012

Gobolada intooda badan waxaa ay si cad u kala raacsan yahiin 2 Xisbi. Sidaa darteed, labada xisbi waxaa ay u kala dheereeyaan gobolada ka gows qabsada labada xisbiba. Sannadka 2012 waxa la isku raacsan in ay guusho raaci doonta kolba xisbiga ay u janjeedhsadaan gobolada walaacu ka jiro. Sannadkan 2012 waxaa loo k ala dheeraynayaa gobolada sida Ohio (Obama 49%, Romney 43%), Florida (Obama48%, 46%), North Carolina (Obama47%, Romney 47%), Virginia (Obama 48%, 45%), Wisconsin (Obama 51%, Romney 42%), iyo Colorado (Obama 49%, Romney 45%).

Ilaa hadda waxa la isku raacsan yahay Madaxweyne Obama ka sokow guul-darradii uu kala carraabay madashii Denver in uu weli ka horreeyo ninka la berritamaya. Maanta (05/12/2012), ka dib dooddii uu ku hoobtay Obama, afti ay qaaday warbaahinta Huffingtonpost (gal degelka warbixinta) (http://elections.huffingtonpost.com/2012/romney-vs-obama-electoral-map) waxaa lagu sheegay sidatan.

Madaxweyne Obama waxaa uu haystaa 275 cod oo la hubo, waxaana la filayaa in ay ku soo biiri doonaan 28 cod oo kale. Sidaa darteed, waxaa uu heli doonaa 303 cod. Halka murrashaxa Romney uu ka haysto 181 cod oo la hubo, waxaana la filayaa dhankiisa in ay u soo liicaan 10 cod oo kale. Sidaa darteed, waxaa uu heli doonaa 191 cod. Ogow guusha waxaa lagu hanan karaa 270 cod.